PSG Oo Qiratay Inay Ku Qaldanaayeen Inay Real Madrid Kala Soo Wareegaan Jese Rodriguez.

0
493

PSG ayaa qiratay inay qalad sameeyeen markii ay Jese Rodriguez kala soo wareegayeen Real Madrid xagaagii la soo dhaafay.

Weeraryahanka reer Spain ayaa ka soo baxay akadeemiga Real Madrid waxaana uu heshiis 25 milyan euro ugu wareegay PSG laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu boos joogta ah ka helo kooxda Unai Emery ee caasimada Faransiiska ka dhisan.

Jese waxaa haatan lala xiriiinayaa inuu ku biirayo si amaah ah kooxda La Liga ka dhisan ee Las Palmas bisha danbe, waxaana madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi uu aaminsan yahay in bixitaanka weeraryahanka ay u fiican tahay cid walba.

Markii la weydiiyay heshiiska uu 23 jirkaan ugu wareegayo Las Palmas, Al-Khelaifi ayaa u sheegay Le Parisien: “Emery ayaa igu yiri arin cadaalad ah, taasoo mar walba aheyd aragtideyda: ‘Marka aad qalad sameyso, waxaa fiican inaad isku daydo inaad saxdo qaladkaas halkii aad la noolaan laheyd qalad.’

“Sidaasi darteed haddii aan sameynay qaladaad, waxaan isku dayi doonaa inaan saxno. Albaabka mar walba ma xirna.”res

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here