Xog-hayahii Khayraadka Dabiiciga Ah Ee Xisbiga WADDANI Oo Iska Casiley Xubinimadii Iyo Xilkii Uu Ka Hayay Xisbiga WADDANI.

0
545

axmed-cilmiHargeysa(Qoryaalenews)Xog-hayihii khayraadka dabiiciga ah Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Axmed Cilmi Bare Ayaa Shaaca ka Qaadey Inuu Iska Casiley Xilkii Iyo Xubinimadii Uu Ka Hayay Xisbiga Wadani Isagoo Talooyin Usoo Jeediyay Asxaabta Siyaasada Somaliland Waxaanu Dhaliiley Mucaaradnimada Somaliland

Axmed Cilmi Bare Isagoo Ka Hadlaaya Iscasilaadiisa Waxaa Uu Yidhi”Waxan ahey Xog-hayihii khayraadka dabiiciga ah Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani galihiisa dhexe ku jira kana tirsan guddida fulinta ee wadani manta oo ay taarikhdu tahey 27 waxan gartay inaan iska casilo xubinimadii iyo xilkii aan ka hayay xisbiga wadani , siyaasadii Somaliland manta waxay maraysaa meel aad runtii werwer badan uleh markaad eegto xisbiyadu qaab ay u olaleynayaan bahashi meel aaney joogin ayaa la gaadhsiiyay oo ah qablaayad waxan halkan fariin umarinayaa xisbiyada qaranka sidan aan manta usocoto waxad modaa inaan maynis sii galayno waxan ku talin lahaa in kor losoo kaco oo xisbiyada qablaayada laga daayo dadkana jaahwareerka laga daayo xisbi walib wixi uu hayo iyo wixii uu umada uqabaanyo usoo bandhigo taasi waa talo xisbiyada ah”Ayuu Yidhi Xog-hayihii khayraadka dabiiciga ah Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Oo Ka Sheegay Inuu Iska Casiley Xisbiga Wadani.

Siyaasiga Axmed Cilmi Bare Waxaa Uu Intaa Ku Daray”wadanka waxaa ka taagan abaar aad ubaahansan khaas ahaan gobolada bari waxad modaa in xisbiyada ama dawlad ha ahaadan ee inaaney xog ogaal ka aheyn markaad aragto sidey uqadhmayaan xalfadaha ay sameysanayaan waxaa ay ka hadlayaan doorashooyin laga hadlaayo iyo bariga waxaa yaala waxaa imika bilaa matay in dhimashadii dadku bilaamato markii ay xoolahii ay dhamaadeen biyo la,aan ayaa dhacdey”Ayuu Yidhi Axmed Cilmi Bare

Ugu Danbeyntiina Axmed Cilmi Bare Waxaa Uu Dhaliilo Huwiyay Xisbiyada Mucaaradka Ah Kuwaas Oo Tilaamey Iney Shaqadoodii Gabeen”waxad modaa in xisbinimadii mucaaradku meesh ka baxdey waayo waxaa la doonayaa iney mucaaradku wax saxaan  mucaaradnimada maaha inaan wax ku domino ee waa inaan wax ku dhisnaa waxad modaa in mucaarad iyo muxaafad laftoodii la kala garan la,yahey”Ayuu Axmed Cilmi Bare Xogyahii khayraadka dabiiciga wadani ah oo shaaciyay inuu iska casiley xisbiga wadani.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here