Xukumadda Oo Ka Hadashey Wada Hadalkii Ay La Yeelatay Kooxda Khaatumo Iyo Inay Uwada Hadleen Qaab Laba Maamul Ah.

0
489

Hargeysa(Qoryaalenews)Xukumada Somaliland Ayaa Ka Hadashey Wada Hadalkii Dhawaan Dalka Itoobiya Ku Dhexmaray Somaliland Kooxda Khaatumo, Wasiir Sacad Cali Shire Oo ka Mid Ahaa Xubnahii Somaliland Uga Qayb Galaayay Wada Hadalkaas Ayaa Sheegay Iney Rajo Wanaagsan Ka Qabaan In Qododbadii Kasoo Baxay Wada Hadalkaas Si Fiican Loo Fulin Doono.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr.Sacad Cali Shire Oo Warbaahinta Kula Hadley Magaalada Hargeysa Ayaa Yidhi”Waxaa Mudo Afar Cisho Ah Uu Shir Nooga Socdey Magaalada Adis’abba, Shirkaas Waxaa Isugu Yimi Wafti Ka Socda Somaliland Iyo Wafti Ka Socda Khaatumo Ujeedada Shirku Runtii Wuxuu Ka Mid Ahaa Geedi Socodka Somaliland Ugu Jirto Nabadeynta, Isusoo Dhawaan Shaha Iyo Midnimada Reer Somaliland, Shirku Jawi  Wanaagsan Ayuu Noogu Bilowdey Jawi Wanaagsan Uu Noogu Socdey Si Wanaagsana Waan Usoo Gebgebayney Dhowr Dhowr Qodob Ayaa Kasoo Baxay Oo Lagu Heshiiyay Qodobada Qaar Waxay Taabanayaan Xaga Nabad Gelyada, Qaarna Xaga Horumarka Qaarna Xaga Abaarsacadaha Waxan isla Garaney In Meel Looga Soo Wada Jeedo Wixii Nabad Gelyo Xumo Inagu Keeni Kara”Ayuu Yidhi Sacad Cali Shire

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr.Sacad Cali Shire Ayaa Sidoo kale Ka Jawaabey Su,aalo Warbaahintu Waydiisey Oo Nuxurkeedu Ahaa Iney Wada Hadleen Qaab laba Maamul Ah”Somaliland Waa Hal Qaran Waxan Ku Wada Hadleyney Waa Somalilander Xayndaabka Somaliland Uun Anagu Ma Ictiraafsanin Maamul Kale Oo Somaliland Ka Jira Laakin Sidaad Ka War haysaan Waxaa Jira Khilaafad Siyaasadeed Ujeedadu Waxay Aheyd Sidii Khilaafaadkaa Siyaasiga Ah Loo Dhameyn Lahaa” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr.Sacad Cali Shire

Tan Iyo Markii Wada Hadalka Ay Ufurmeen Xukumada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Ra’yul Caamka Somaliland Ayaa Siweyn Usoo Dhaweeyay Waxaney Ku Taliyeen Qaarkood In Wixii Dhiba Ee Jira Lagu Dhameeyo Wada Xaajood.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here