Sheekha Caanka Ah Ee Sheekh Dr Zakir Naik Oo Gaalada Saamayn Wayn Ku Yeeshay

0
879

Sheekha caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya ee wacdiya, Zakir Naik, waxay dowladda ku eedeysay inuu sababayo kala qeybsanaan diimeed iyo inuu dhallinyarada kicinayo.

Weriye ka tirsan BBC-da, Zubeyr Axmed, ayaa u safray magaalada Mumbia, wuxuuna warbixin ka diyaariyay Sheekha iyo saameynta ay leeyihiin wacdiyadiisa.

Iskuulka barashada Islaamka ee Sheekh Zakir Naik, wuxuu ku yaallaa xaafad dad badan ay ku nool yihiin oo ku taalla Mumbia

Si fudud ayaa looga habaabi karaa iskuulka, sababtoo ah waxaa lagu wareejiyay derbiyo dhaadheer iyo dhir.

Inkastoo gabdho iyo wiilalba ay dhigtaan iskuulka, hadana lama ogola in ay is dhexgalaan.

Jarmalka oo xiray rag lagu tuhunsan yahay mintidnimo

Hogaamiyihii Islaamiyiinta Tuareg oo la dilay

Fasallada dabaqa koobaad waxaa dhigto gabdho oo keli ah, dhammaantoodna waxay xiran yihiin xijaab madow.

Wiilashana waxay dhigtaan fasallada dhulka hoose, waxayna dhammaantood xiran yihiin koofiyado.

Iskuulkiisa hadda waala xiray, Waxaa lagu tilmaamay meel lagu barto astaan adag ee Islaam.

Lakiin, Naik, wuxuu baraa waxbarashada casriga ah, sida manhajka Cambridge ee IGCSE.

Sheekh Naik waxaa la saaray maxkamad, asigoo lagu eedeynayo inuu jeediyo hadallo dhallinaya xagjirnimo iyo mintidnimo ku beeraya.

Wuxuu markastaa diidaa inuu cambaareeyo hogaamiyihii Al-Qacidda Usama Bin Ladin. Wuxuu sidoo kale si cad u diiday in weerarkii 9/11 Mareykanka lagu qaaday inuu ahaa mid argagixiso.

Weeraradaasi ayuu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwa laga abaabulay gudaha Mareykanka.

Si kastaba, hadallaadaasi oo dhan wuxuu ku jeediyaa luqadda Ingiriiska. Wuxuu xirtaa suut iyo taay iyo koofiyad, mana xirto khaamiis iyo dharka lagu garanayo culimada kale ee Islaamka. Wuxuu leeyahay taageerayaaal aad u badan.

Wuxuu aad ugu safraa dalalka Afrika iyo Bariga dhexe. Maxaadarooyiin ayuu u jeediyaa dad badan oo isugu soo baxa dalalka uu tago.

Waxaa wacdiyadiisa dhageysto madaxweynayaal iyo wasiirro. Wuxuu sidoo kale taageerayaal badan ku leeyahay dalalka Khaliijka, Pakistan, Afrika, Indonesia iyo Malaysia.

Saameyn aan caadi ahayn ayuu ku leeyahay muslimiinta ku nool qeybahaas.

Xubno badan oo ka mid ahaa Al-Qacida oo la xiray waxay sheegeen in Sheekha uu saameyn weyn ku lahaa noloshooda.

Wuxuu hadda dibad joog ku yahay Bariga dhexe, ka dib markii lagu eedeeyay inuu galaangal ku lahaa weerarkii ka dhacay magaalada Dhaka bishii July ee sanadkan.

Xafiiskiisa iyo iskuulkii uu lahaa ayaa markaasi ka dib lala wareegay.

Dowladda Hindiya ayaa loo maleynayaa inay weydiisato inuu dalka dib ugu noqdo si gacan uu uga geysto baaritaanka lagu sameynayo.

Sheekh Naik wuxuu aaminsan yahay in faafinta weedha Alle ay noqoto howsho qofkastoo Muslim ah.

Kuwa badan ayaa sheekha iyo xertiisa ku tilmaama “Wahaabiyiin”.

Sheekh Naik, inuu noqdo mid ka mid ah culimada ugu caansan waxaa sabab u ah Telefishin la magacbaxay “Peace TV” oo uu asiga aasaasay, waxaana laga baahiyaa muxaadarooyiinkiisa.

Telefishinkaas ayaa laga mamnuucay dalka Bangaladesh, taas oo noqotay arrin la yaab leh.

Wuxuu sanadkii 1965-tii, ku dhashay Dongri oo ah degmo ku taalla Mumbia oo ay Muslimiinta ku badan yihiin. Wuxuuna ka soo jeedaa qoys dhaqaatiir u badan

Aabihiisa wuxuu dhintay dhowaan, wuxuuna ahaa dhaqtar, walaalkii ka weyn ayaa sidoo kale dhaqtar ah.

Sheekh Naik, ayaa asna ah dhaqtar bartay cudurada guud, wuxuuna ka qalin jebiyay jaamacadda Topiwala ee Mumbai.

Wuxuu machadkaa cilmi baarista Islaamka aasaasay sanadkii 1991-dii ka dib markii uu iska daayay shaqada caafimaadka.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Hargeysa/Somalilandsheekh-150x150

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here