Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wasiirka Madaxtooyada Oo Xalay U Hoydey Magaalada Laascaanood Barina Udhaafidoona Degmada Taleex

0
657

kmSool(Qoryaalenews)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Warfaafinta Somaliland – Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo masuuliyiin kale, ayaa socdaal la xidhiidha taakulada abaarta ku tagay Gobollada Saraar iyo Sool.
Weftiga oo galinkii dambe ee maanta ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ay ku sugnaayeen maalmihii u dambeeyey, waxa markii ay gaadheen magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar galabta ay kulan kula qaateen guddiga abaaraha heer gobol oo ay ka xog-waraysteen xaaladda abaarta, waxaanna Guddoomiyaha KULMIYE ku wareejiyey taakulo boqol booyadood ah oo xisbigu u qoondeeyey inay qayb ka ah taakulada abaarta ee Gobolka Saraar.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland iyo murashaxa madaxweyne ee Xisbiga kulmiye ayaa xalay u hoydey magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaana la filayaa inay usii dhaafaan degmada taleex halkaan oo ay kulamo kula qaadanayaan qoorweynta iyo bulshada ku dhaqan deegaankaasi, kulamadaas oo lagu xoojinayo shirarkii nabada iyo horumarka ee gobolada sool iyo xaysimo ee xukuumadu la qaadatay qoorweynta dhulbahante sidii loo sii xoojin lahaa loogana tashan lahaa shirarkii dib udhacay.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Sool/Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here