Suldaan WABER Oo Mar Kale Istaadhay Xiisadii Maleeshiyo Beeleedka Iyo Ciidan Uruursi Uu Ka Bilaabay Deegaano Gobolka AWDAL Ka Mid Ah

0
545

Boorama(Qoryaalenews)suldaan-wabarSuldaankii Falaagada Oo Mar kale La Dhaqaajiyey Iyo Gacmo Saddex Ah Oo Kulamaan Ciidan Uruursiga Uu Ka Waddo AWDAL

Suldaankii duur galka ahaa ee WABAR ayaa mar kale dhaq dhaqaayo ciidan uruursiya ka bilaabay gobolka AWDAL dhaq-dhaqaaqyadan oo labadii caano maale ee udambeeyey laga dareemayey  deegaanada xuduudka isagoona Xalay u Hoydey deegaanka  Dhar wanaaje halkaas oo ka waddo qaylo dhaan uugu qayshanayo maleeshiyo beeleedyo uu ku guuro sidii ciidamadii la qarameeyey ka hor intaan laga saxal saarin deegaanada AWDAL  kuwaas oo ugu yeedhanayo inay isku uruursadaan deegaankaasi, wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in dhaq-dhaqaaqiisa ay ka dambeeyeen xukuumada jabuuti iyo masuuliyiin qoorweyntiisa ah kuwaas oo ku dhabar taabtay in uu kacdoon maleeshiyeed ka abuuro gobolka AWDAL  isla markaana uu dagaal dhuumo tur tuur ah ka bilaabo deegaanadii uu kal hore ku dhuumaaleysan jiray, xubnahan dhabarka ka riixaya ayaa la wariyey inay u balan qaadeen inay bixin doonan wixii kharash ah eek u baxaya isoo kalena ay isku xidhi doonan shabakad dalka ilaa dibada ah oo bixisa qaadhaanka hawl galka kuwaas oo nashqadeeyey shax ay ku tilmaameen inay ku dhaqaajinayaan shacabka deegaanadaasi kuwaas oo loo eekaysiinayo tabasho beeshoodku ka tirsanayso saami qaybsiga xukuumada ku lee yihiin waxaana ay sheegeen inay tahay midka kaliya ee ay olalaha ku bilaabi karaan. sidoo kale warar lagu kalsoonan karro oo ka imanaya gobolka awdal ayaa sheegaya in uu dhuumasho gobolka ku soo galay murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga WADDANi Dr, Maxamed Cabdi AW Cali kaas oo la wariyey inuu qayb ka yahay mishiinada dhaqaajinaya MOORADA Suldaan Abubakar Cimi WABAR ee uu mar kale ku galayo buura leyda Gobolada Galbeedka AWDAL.

Xukuumada Somaliland ayaa ah mid moogan xiisadan colaadeed ee uu san-saankeeda bilaabay suldaankii falaagada ahaa eek al hore kacdoonka ka bilaabay qolijeed kacdoonkaas oo xukuumada iyo xubno miisaan kuleh qoorweynta SAMAROON ku saxal saareen jabhadii kacdoonka bilowdey iyadoona ciidankii dirirta wadeyna lagu qarameeyey inay ka mid noqdaan ciidamada qaranka Somaliland.

dhanka kale taliyaha hadda gacanta ku haya hogaaminta ciidamada qaranka ayaa ah mid dhanka sugida iyo talaabada dhaqaaq kaga horeeya taliyihi hore ciidanka ismaaciil shaqale kaas oo ahaa mid dhanka xiisadaha subub ee qaranka duulka ku ah ka gaabiya oo habrada balse taliye taani ayaa taliye ka jawaaba cida alaale cidii dhaq-dhaqaaq lid ku ah qaranimada ka bilowda dalka waxaanse la dhawrayaa talaabada xukuumadu kaga hortanto xiisadan san-saankeedu muuqdo ee gacmuhu ku dhex jiraan

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Boorama/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here