Gudoomiye Cirro Oo Hadhiimo Sharafeed ku Qaabiilay Madaxweyne Ku Xigeenkii Horre Puntland

0
669

Hargeysa(Qoryaalenews) Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)shalay Munaasibadd  qado sharaf ku maamuusay madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo deegan ahaan ka soo jeeda Somaliland isla markaana muddoyinkii ugu danbeeyey dalka ku sugnaa   Munaasibdan qado sharafta ah ayaa  ka dhacdey Hotel Hiddo – Dhawr ee Caasimadda Hargeysa waxaana ka soo qeyb galay masuulyiinta xisbiga Waddani oo ay ka mid yahiin , musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi , Prof Buubaa , Xildhibaan Talyanle , Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble , Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid , Siyaasi Aadan Dhoola Yare , siyaasi Cali Cantar iyo masuulyiin kale General Cabdisamad Cali waxaa uu hore u ahaa madaxweyne ku xigeenkii xukuumadii Faroole ee maamulka Puntland waxaana uu dhalasho ahaan ka soo jeeda deeganada gobalka Sool.waxaanay Ujeedada Munaasibaduu ahayd Maamuus lagu soo dhaweynayay Madaxweyne ku xigeenkii Horre Puntalnd oo imikan ku sugan Gudaha Magaalada Hargeysa.

 

pastedimage

QoryaaleNews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here