Dhismahan ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Shibis, waxana dhisay Dawladda Turkiga, iyadoo loo qorsheeyey in uu noqdo xarunta ay ku shiri doonaan Aqalka Sare ee Soomaaliya kuwaas oo horey dalkeena uga jirin. Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid ayaa uga mahadceliyey dawladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida wanaagsan ee mar waliba ay u garab taagan tahay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuna tilmaamay in dhismahani uu dabooli doono baahidii loo qabay xarun ay ku shaqeeyaan Aqalka Sare ee Soomaaliya. Xaruntan ayaa waxaa maanta kormeeray Cumar Cabdirashiid, Senator Abshir Bukhaari, Senator Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Jurile iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo dhammaantood ka mahad celiyey sida wanaagsan ee Dawladda Turkigu ugu wareejisay dhismahan xarunta u noqon doona Aqalka Sare ee dalka. |