MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED SILANYO OO TACSII U DIRAYA Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

0
865

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUNsiilaanyo-777-jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Caawo oo ay taariikhdu tahay 13/01/2016.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ku suntan taariikhda qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halganadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray,  ahaana shaqsi ay ku dheehan tahay dadnimo, karti iyo cibaado saalixa, dadkana isu soo jiida.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here