Cristiano Ronaldo oo noqday ciyaaryahanka kubada Cagta ugu fiican Adunka 2016

0
670

Cristiano Ronaldo waxaa loo caleemo saaray ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka ka dib xaflad ka dhacday Zurich oo lagu gudoonsiiyay abaalmarinta FIFA.

Ronaldo oo u dheela Real Madrid iyo xulka qaranka Boortoqiiska, wuxuu abaalmarintan uga guuleystay ciyaaryahanka Barcelona ee Lionel Messi iyo Antoine Griezmann oo u ciyaara Atletico Madrid.

Ronaldo ayaa sidoo kale dhowaan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, asigoo lagu sharfay inuu Real Madrid kula guuleystay Champions League, iyo xulka qarankiisa oo uu la qaaday koobka Euro 2016.

Carli Lloyd oo u dhalatay Mareykanka ayaa loo cumaamaday gabadha ciyaaryahan ee dunida ugu wanaagsan.

Macallimka kooxda Leicester, Claudio Ranieri ayaa noqday tababaraha ugu fiican ragga.

Tababarihii hore ee gabdhaha Silvia Neid ee Jarmalka ayaa abaalmarinta dumarka macallimiinta ah ku guuleysatay.ronaldwin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here