US: Obama oo billadda xorriyadda siiyay madaxweyne ku xigeenkiisa

0
626

Barack Obama, madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa xalay gudoonsiiyey madaxweyne ku xigeenkiisa Joe Biden biladda xorriyadda oo ah bilad tan ugu sareysa ee uu madaxweyne Mareykan ah qof shakhsi ah siiyo.

Xaflad ka dhacday Aqalka Cad Khamiistii shalay ayuu madaxweyne Obama si lama filaan ah u siiyey Joy Biden oo isaga oo yaaban isla markaana qiireysan gudoomay biladan.

Madaxweyne Obama ayaa ku amaanay ku xigeenkiisa Biden shaqada dheer ee uu wadankiisa u qabtay mudada todbnaanka sana ah.

Biden oo ilmeeynayey ayaa u mahadceliyey qoyskiisa iyo madaxweyne Barack Obama.

bidenbilad


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here