Aabe Shaqada Ka Caydhiyay Wiilkiisa Oo Wasiir Ahaa Iyo Sababta Ka Dambeysa

0
524

Wasiirka gobolka Uttar Pradesh,oo ah gobolka ugu dadka badan wadanka Hindiya ayaa waxaa xisbigii uu ka tirsanaa ka eryay Aabihiis.

Wasiirka oo lagu magacaabo Akhilesh Yadav ayaa waxaa shaqada ka eryey si “loo badbaadiyo xisbiga” Samajwadi Party (SP) hogaamiye Mulayam Singh Yadavs oo ah Aabihiis sida ay sheegtay warbaahinta Hindiya.

Madaxa xisbiga SP ayaa sheegay in xisbigu uu go’aansan doono wasiir goboleedka xigga ee baddalaya wasiirkan shaqadda laga eryay.

Doorashooyinka ayaa la filaya in looga dhawaaqo gobolka Uttar Pradesh maalmaha soo socda.

Talaabaada Mulayam ayaa ka dambeysay ka dib markii wiilkiisu uu baahiyey magacyada 235 musharaxiinta doorashooyinka soo socda, inkastoo xisbigu goor horaba uu ku dhawaaqay doorashadiisa.

Liiskaas ayaa waxaa ka mid ahaa taageerayaasha Akhilesh, waxaana uu ka saaray xubno daacad u ah Aabihiis.

Shaqo ka eryida ayaa waxay taagnaan doontaa mudo lix sano ah. Waxaa sidoo kale xisbiga laga eryay ina adeerkiis Ramgopal Yadav oo xisbiga ka ahaa masuul sare.

Carada xisbiga ee ku aadan wasiirka ayaa timid ka dib markii uu ku dhawaaqay shir deg deg ah oo xisbiga SP isagu yimaado 1-da bisha January, laakiin Mulayam wuxuu sheegay in isagu uu yahay kan u leh awood in sidaa uu ku dhawaaqo.

“Wasiir Akhilesh Yadav ma fahmayo in Ramgopal uu isku dayayo in uu daciifiyo” Mulayam ayaa sidaa ka sheegay shir saxafaafeed oo uu ku qabtay magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lucknow.

Waxaa jira in ka badan 20 xubnood oo ka mid ah qoyska Yadav oo si firfircoon ugu jira siyaasadda Hindiya, waxaa ka dhaxeeya xiisad qaraar oo mudo soo jiitamaysay taas oo keentay dagaal iyo kooxaysi ka dhex dhaca xisbiga SP. Ma cada in Akhilesh xoog looga qaaday xilkiisa.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in wiilku [Wasiirka] ka caansan yahay Aabihiis isagoo gaari kara meel ka fog xudduudaha sida wayn uga dhex jirta siyaasiyiinta waqooyiga

Hindiya.

QoryaaleNews/Officehindiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here