Murashaxa Cabdiraxmaan Cirro Oo Markale Lingaxa Ku Giijiyay Go’aankisii Dibu Dhigisita Doorashada Madaxtooyada.

0
492

Hargeysa(QYN)cabdiraxmaan ciroMurashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Sheegay Inuu Xisbigoodu Ku Kalsoon yahey In Doorashadu Dib Udhacdo Isla Markaana Loo Gurmado Dadka Iyo Xoolaha Abaartu Saameysay, Gudoomiye Ayaa Hadalkan Ka Sheegay Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Faaqidey Barnaamijka Xisbiga Waddani.

“Marka Hore Waan Umahad Naqayaa Dhalinyaradii Soo Qaban Qaabisey Dhalinyaradii Barnaamijka Siyaasiga Ah Ee Xisbiga Halkan Kusoo Bandhigtay, “Waxa aynu ognahay haddii Doorashada la qabto 28ka March in Xisbiga kaliya ee barnaamijkiisa soo bandhigay uu yahay uun Xisbiga WADDANI, weli ba illaa hada barnaamijkeenu waxa uu ogal yahay in lagu kordhiyo wixii ra’yi ah ee la hayo oo meeshii wax ka maqan yihiin ba la soo gufeeyo oo la soo bandhigo. Barnaamijku na waxa uu diyaar u yahay in la dhiliilo oo barnaamij xidhan maaha e’ waa barnaamij dadka looggu tallo-galay, waa barnaamij muhiimaddiisa koowaad siinaaya badbaadada dalka, waa barnaamij muhiimadda siinaaya dhallinyarada iyo haweenka oo ah labada qeybood ee bulshadeena ugu muhiimsan, waa barnaamij aad loogga baaraa-degay oo laba sannadood iyo in ka badan loo soo bandhigay shacbiga oo ra’yigood ay ku dareen oo aan is lee yahay maanta wixii umaddani u baahnayd oo dhami ba way ku dhan yihiin, waa barnamin looggu tallo-galay in umadda lagu hoggaamiyo, sidaas uu hoggaamiyahu sheegayna barnaamijka waxa hoggaamin doona dhallinyaro, odeyaasha iyo hooyooyinku na way garab taagnaanayaan dhallinyaradaas iyo madaxda kale ee Xisbigu ba.”.Ayuu Yidhi Gudoomiye Cirro

Murashaxa Xisbiga Wadani Ayaa Intaas Ku Ladhey”Doorashada Diyaarbaanu Unahay Laakin Waxan Ka Doorbideynaa Oo ka Horaysiineynaa In Shacbiga la Badbaadiyo Shacbi Xoolihii Ka Dhintay Oo Dadkii Maanta Bilaabey Inuu Dhinto Diyaar Uma Nihin Inaan Ka Dul Geraarno Oo Heeso Ka Dul Tubano Oo Olale Bilowno Waxan Badbaadada Siineynaa Oo Mihiimada Siineynaa In Shacbiga La Badbaadiyo Waxan Leenahey Sidii Shacbiga Loo Badbaadin Lahaa Aan Ka Wada Tashano Aad ka War Qabtaano Cidbaa Arinkaa Diidan Waxan Leenahey Walaalayaal Aan Gacmaha Is Qabsano Asxaabta Siyaasada Xukumada Iyo Shacbigaba Waxaa Loo Baahan Yahey Inaan Isku Aragti Noqono Aragtideenuna Ha Noqoto Inaan Shacbiga Badbaadino”Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xidhey.

QoryaaleNews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here