Wasiirka Degaanka Oo Kulan La Qaadatay Mulkiilayaasha Beenyada Iyo Fooxa Iyo Nuxurka Awaamir Ay Fartay.

0
705

Wasiirka Wasaarada Degaanka Somaliland Mawro Shugri Baandare Ayaa Kulan Balaadhan La Yeelatay Mulkiilayaasha Beenyada Iyo Fooxa Oo Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Cabasho Balaadhan Kasoo Yeedhaysay

Markii Kulanku Soo Dhamaadey Waxaa Warfidiyeenka La Hadashey Wasiirka Wasaarada Degaanka Somaliland Mawro Shugri Baandare Waxaaneyna Si Cad Usheegtay Inaan La Joojin Beenyada Iyo Fooxa Balse Cidii Hagardaamo Ku Wada Talaabo Laga Qaadi Doono, Iyadoo Mulkiilayaasha Beenyada Iyo Fooxa Ugu Baaqdey Iney La Shaqeeyaan Dawlada Isla Markaana Ay Ilaaliyaan Dhirta Iyadoo Wacad Ku Martay Iney Wasaaradeedu Wax Ka Qaban Doonto Shidida Dhuxusha Oo Xaaluf Ku Haysa Degaanka.

“Maanta Idinku Siweynbad Uhadasheen Dhinac Kastaba Waad Ka Hadasheen Aniguna Waanu Qaadaney Waxaa Kaliya Ee Loobahan Yahey Waxaa Weyee Sidii Aad Ugu Xidhnaan Laheydeen Dawlada Cida Halkan Ujoogta Dhuxushuna Iney Aafo Ku tahey Degaanka Waad Sheegteen  Wax ka Qabadkeeda Intii Karaankayaga Aheyd Waanu Qabaney Laakin Waxaa La Niyad Jabayaa Marka Lasii Daayo Kii Lasoo Qabtay Waan Laydinla Shaqeynayaa Ee Idinkuna Nala Shaqeeyay”Ayay Tidhi Wasiirka Wasaarada Degaanka Somaliland Mawro Shugri Baandare

Kulanka Ay Magaalada Ceerigaabo Kula Yeelatay Wasiirka Wasaarada Degaanka Somaliland Mawro Shugri Baandare Mulkiilayaasha Beenyada Iyo Fooxa Ayaa Hoos Udhigaaya Cabasho Maalmihii Ugu Danbeysay Kasoo Yeedhaysay Dadka Ka Ganacstada Beenyada Iyo Fooxa.wasir shukri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here