Tababare Zinedine Zidane Oo Markale Diirada Ku Haya Sidii Uu Rikoodhe Cusub U Jabin Lahaa

0
709

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sii wadan doona in uu jabiyo rekoodhada kooxdiisa Los Blancos u yaala kadib markii uu kulankii Sevilla ee Copa Del Rey rekoodh cusub u dhigay kubbada cagta Spain. Zidane iyo wiilashiisa Los Blacos ayaa kulankii 40 aad oo xidhiidh ah guudlaro ka dheeraaday iyada oo Karim Benzema uu ahaa geesiga Madrid ee daqiiqadii 94 aad kooxdiisa guuldaro ka badbaadiyay.

Laakiin isla kulanka Sevilla ee La Ligaha ayay Real Madrid hiigsanaysaa in ay gaadho rekoodhki gool dhalinta ee kooxdiisa Carlo Ancelotti ee xili ciyaareedkii 2013/1. Real Madrid ayaa 28 kulan oo xidhiidh ah oo kulamada horayalka Spain ee La Ligaha ah  ayaa ugu yaraan hal gool shabaqa ku soo taabtay, laakiin haddii ay hal gool ka dhaliyaan Sevilla wuxuuna Zidane barbarayn doonaa rekoodhkii kooxdii Ancelotti oo 29 kulan oo xidhiidh ah goolal ka dhalisay kulamada La Ligaha.

Rekoodhkii Carlo Ancelotti ee ay Real Madrid 29 ka kulan ee xidhiidhka ah ay goolasha kaga dhalisay La Ligaha ayaa kaalinta labaad kaga jira kulamadii ugu badnaa ee ay abid Los Blacnos shabaqa La Ligaha si xidhiidh ah u gaadhay waxayna Ancelotti rekoodhkan wadaagaan Quinta del Buitre kaas oo Madrid min 29 kulan ay goolal si joogto ah u soo dhalisay 1985/86 iyo 1986/87 .

Laakiin Zidane ayaa shaqo adag u baahan in uu gaadho kulamadii ugu badnaa ee taariikhda Real Madrid kulamada ugu badan ee xidhiidhka ah ay goolal soo dhalisay iyada oo 35 kulan oo La Ligaha ah isla markaana xidhiidh ah ay goolal soo dhalisay intii u dhexaysay 1951/52 ilaa 1952/53.zinedine-zidane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here