Caaqil Cabdiqani Ciise Muuse Oo Fariin Adag u Diray Wasiirka Caafimaadka”Xaglotoosiye Deegaankiisa Ayaa U Baahan ee Anaga Nooma Imaan Karo Karo”

0
469

Widhwidh( QYN ) Caaqil Cabdiqani Ciise Muuse oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle ayaa ka Hadlay Safar la Sheegay inuu Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed(XAGLOTOOSIYE) ku imaanayo deegaamada Widhwidh isagoo Wax laga Xumaado ku Tilmaamay Safarka Xaglotoosiye ee Xiligan oo uu Sheegay in Dadku Abaaraysan Yihiin balse aanay u Baahnayn Olole Iyo Arimo Siyaasadeed waxaana uu Yidhi isagoo Arimahaasi Ka Hadlaya

“Waxaanu Leenahay Deegaanka Gobolka buuhoodle Waa Sadex Qaybood oo kala ah Deegaanka Qorulugud,Deegaanka Xadhadhanka , buuhoodle gudihiisa, iyo Deegaanka Widhwidh,Hadaba deegaamada Widhwidh hoos yimaada iyo deegaanka Qorulugud waa deegaamo Xukuumadii Somaliland ka shaqayso oo ciidankii Joogo,oo Maayaro leh oo Shaqadii Qaranku ay ka socoto Balse Deegaanka Buuhoodle Gudihiisa Waa Goob lagu Muransan yahay oo maamulo kale ka Taliyaan,Dhibaatada Jirtaana Waxay tahay Deegaanka Buuhoodle oo uu kasoo jeedo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglotoosiye Ilaa iyo intii uu Wasiirka ahaa Amase La Magcaabay muusan tegin Deegaanka ugu Balaadhan gobolka ahna deegaanka keliya ee Marka la eego Deegaamada Dhulbahante La iska diiwaangeliyay ee Doorashada La isku halayn karo,Widhwdihna waxaa Hoos yimaado 15 Tuulo waxaana ay Diiwaangelintu ka qabsoontay 11 Tuulo Afar keliya ayuunbaan la iska diiwaangelin oo aanay waxba ka dhicin “

“ Maanta Xili Abaareed Ayaa lagu Jiraa,Dadkuna waa Jilicsan Yihiin Xoolo iyagana Hadalkoodaba Daa,Waxaana aanu Leenahay Uma baahnin in Olole iyo Isdhex yaac uu Wasiirka Caafimaadku Noola Yimaado oo Nagu Soo Raro Waayo Markii loo Baahnaa Ninkii Imaan Waayay Maaha inuu Umada Rabash iyo buuq lasoo Doonto,Waana nagu Gef iyo Gardaro Cad oo Badheedh ah Mana Aqbali Doono “

“ Deegaanka baaxadaas leh Maamulka gobolka waxay ku leeyihiin Gudoomiye xigeenka Gobolka Buuhoodle Keliya,Xukuumadana waxay ku leeyihiin Wasiir Xigeenka boosaha iyo Isgaadhsiinta oo Dhowaan isagana La Magcaabay,Waxaana aanu isweydiinaynaa Codkayagii iyo Taladii Somaliland ee aanu Halkaas Gaynay(Deegaankayaga) Ma Noo Jari Waayeen Wasiir Buuxa “

Dhanka kale Waxaanu Leenahay Wasiirkii Aan intaas Imaan Deegaankayaga oo Iminka Doonaya inuu Iska Dhiso  Xisbiga Kulmiye, Maaha mid aanu Aqbalayno,Waxaanuna leenahay Wasiir Weliba Waa inuu Deegaankiisa Tagaa Baanu Leenahay,Beeshuna Waxay leedahay Wasiir Ku xigeenka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta  Cali Maxamuud Cali Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Faratoon ,Waxaana Talada Deegaanka ay ka Godaa baanu leenahay oo u Daba Fadhinaa Wasiir xigeenkayagaasi,Wasiir kasta oo Xukuumada Somaliland ahna Wuu noo Imaan Karaa Balse Xaglotoosiye Nooma imaan Karo Deegaanka Widhwidh,Hadiiba ay Dhacdo inuu Xaglotoosiye Yimaado Deegaamada Widhwidh iyo Inta Hoos Timaada Waxaa Marag madoon ah inuu Taageero Badan ka Lumin Doono Xisbiga Kulmiye “

QoryaaleNews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

WidhWidh/Togdheercuqal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here