Shir Kulmiyey Qaramada Midoobay Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Somaliya Oo Lagu Falan Qeeyey Abaaraha Ka Jira Dalka somaliya

0
474
Muqdisho qm(QYN) kulan balaadhan oo lagaga hadlayey abaaraha balaadhan ee saameeyey dalka somaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay saraakiil ka socotay qaramada midoobay, gudoomiyaha baarlamaanka somaliya iyo ku xigeenadiisa iyo masuuliyiin kale.
Shirka lagaga hadlayey abaaraha somaliya oo lagu qabtay xarunta qaramada midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogu lafa guray qaabkii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha  iyo inay timaado macaluul dhimasho sababtaa.
Gudoomiyaha golaha shacabka somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay shir jaraa,id oo ay wada jir u qabtaan ka qayb galayaashii kulankani ayaa sheegay in dawlada looga baahan yahay
inay samayso wax kasta oo suura gal ah si loogu gurmado dadka abaartu saamaysay, waxaanu soo jeediyey in dedaalka la kordhiyo.
Isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya Peter de Clercq oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa ka dayriyey xaalada abaarta, waxaanu tilmaamay saamaynta ay abaartu ku yeelatay qiimaha lagu kala iibsado cuntada iyo biyaha
QoryaaleNews/Muqdisho Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here