“ Arinka Buurdhaab Dusheeda Galay Maaha Shidaal Baadhise Waa Macdan Gurasho,Dadka Deegaankuna Waa u Diyaar Iska Caabinta Cadawga Dhalan Rogaya Deegaanka”Caaqil Mursal Cawad Dooyo

0
544

Waxaan Leeyahay Shacabka Gobolka Saraar “ Guntadoo ka Kaca ceebta Waa Laga Gurguurtaaye “

Hargaysa(QoryaaleNews ) Mursal cabdi Cali(DOOYO) ayaa si adag uga hadlay wax uu ugu yeedhay Macdan Gurasho Qalabka loogu Gurtay Deegaamo Hoos yimaada Gobolka Saraar Waxaana uu Farta ku Fiiqay In Hawshani Maanta laga Wado deegaanka uu Hore uga Hadlay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo kaasi oo Tibaaxay in aan Shidaal la baadhayne La Guranayo Macdanta iyo Khayraadka Dihin ee Dalka

Caaqilka Ayaa Fariin Qaylo dhaan u Diray Shacabka Gobolka Saraar isagoo Usoo jeediyay inay Meel uga soo wada jeestaan Baabi’inta Maanta ay Wasaarada Macdanta Biyaha Somaliland Ku hayso Deegaamada Gobolka Saraar isagoo Tibaaxay in Ciidamo beeleedyo Hubaysan iyo Ciidan uu Wato Wasiirka macdantu Isku horfadhiyaan Deegaamada Waridaad

Caaqilka oo Arimahaasi Ka Hadlaya Arimahaasi

“ Dadkayga Waxaan u Sheegayaa In Rag Badan oo ay Ku Tuhunsan yihiin inay u maqan yihiin Oo Dawlada iyo Qurbahaba isugu jira Inaanay U maqnayne Ay Iyaga Laftooda ku Maqan Yihiin,,Malahayga inay Abaartu na seexisay oo Darxumo nagu habsatay ayaa loo Haystaa oo Ciidamada loo dalbanayaa,Waxaase ka Diimoon inaanu Nahay Kuwii u Babac Dhigay Hujuunadii kala Danbeeyey ee Dalka Soo Maray nooc kasta oo ay Yihiinba,Maalmaha soo socdana Waxaa loo malaynayaa in Xaalku Noqon doono NIN SEEXDAY OO SOO TOOSAY WAA ISAGII UUN”

“ Waxaanu Leenahay Waanu kasoo Horjeednaa Falkaa Lagu Guranayo Macdantii Dalka Isla Markaana lagu Dhalan rogayo deegaanka Gobolka Saraar iyadoo loogu Marmarsiiyoonayo Waxaanu idiin Soo Saari Doonaa Shidaal,Hadaba Ma Hada Ayay Xukuumadani Miyir Qabtaa mise Markii Siilaanyo Iyo Kulmiye Mucaaridka Ahaayeen Ayaanay Arkayn Wixii MArkaa u Muuqday ee Ahaa inaan Dalka Shidaal laga Soo Saarayn ee La Guranayo Khayraadka Dalka “

“ Waxaanu Leenahay  Waa in Wax la iska Celiyaa oo Qoriga La Qaataa,oo Dadku deegaankooda badbaadsadaa,Maaha in Looga hamrado Niman aan Danteena Wadin,Waayo Arinta Gashay Buurdhaab Dusheeda Maaha Shidaal baadhise waa Macdan Gurasho,Cidii Farfaraysana Way Haysaa Wixii Uga soo baxa,Maantaba Waa Taas la isku hor fadhiyo,Ciidan dawladeedna Maaha Niman u Joojinaya oo Waa Rag dhulkoodii lagu soo Doontay “

Waxaanu Mar koowaad,Mar Labaad,iyo Mar sadexaadba U Soo Jeedinaynaa dadka deegaanka Saraareed inay sida ugu dhaqsaha Badan uga Midoobaan Dantooda iyo Deegaankooda Isla markaana ay Si wadajir uga Gilgishaan In dhulka Abaartu Hore u dishay Hadeerna Cagaftu Gaalaa Baxayso iyadoo Si dadban iyo si toos ahba Loo Daad guraynayo Macdanta iyo dhagxaanta iyo Ciida Qaniga ah ee Saraar Godan

Waxaa Kaloo aan doonayaa inaan ka hadlo Kuwii Shalayto iyagoo Dayday Ah u Galay Jidgooyada Caynaba iyo Wadaamagoo Dhexdeeda Dadka Masaakiinta ee Lacagtii ay ka Furteen Ku Dhoofay kuwaasoo aan Ogayn Wixii Naga Qabsaday Denbigii ay Dadka u gaysteen ee Nalagu Galay,Nalagu Baabi’iyey ee welibana Nalaga Jaray Afartan Kun Halaad,Ayaa Maantana Doonaya Inay Baaqigii Noo Hadhay Dal ahaan iyo dad ahaanba La isku Kaaya Kaba Raaciyo kuwaasoo ah Isku sheegayaal  Qurbajoog oo Xagaana Been la Jooga iyo Dayday Xagana Beenta Kaga Tahriibay

Waxaan leeyahay SIDA HAAD KA ADAGTA AYAAD CUNTADA UGU HALIISHAANE,ma waxaad welibana soo Taageeraysaan in Dhulkii Sidaa loo Galo idinkoo sandareero Doon ah,Xishooda hadii aydaan baqayn ayaanu idin leenahay waa hadii dhego idiin daloolaane,

QoryaaleNews/Hargeysa Office

Qoryaalenews2@gmail.comcaqil mursal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here