Tababaraha Kooxda Real Madrid Oo Welwel Badan Soo Wajahayso Markii Labada Dufaac Ee Marcelo Iyo Modric Dhaawacyo Halis Ay Soo Gaadheen

0
730

Real Madrid ayaa walwal horleh wajahaysa kadib markii uu ay dhaawacyo soo gaadheen Marcelo iyo Luka Modric intii lagu jiray guushii ay Santiago Bernabeu kaga gaadheen kooxda Malaga. Marcelo ayaa kulankii Malaga laga saaray kadib markii uu 25 daqiiqo oo kaliya ciyaarta ku jiray halka Luka Modric si taxadar ah loo badalay balse wararka Spain laga helayo ayaa muujinaya in labadan xidig ay muddo bil ah garoomada ka maqnaan doonaan.

Warkayska Marca oo si dhaw wax uga qara Real Madrid ayaa shaaciyay in Marcelo iyo Modric ay garoomada ka maqnana doonaa muddo bil ah taas oo Zinedine Zidane culays doorasho ku abuuri karta. Los Blancos ayay markii horeba dhaawac kaga maqnaayeen Dani Carvajal, Pepe iyo Gareth Bale halkda James Rodriguez uu kulamadii ugu danbeeyay dhaawac ku seegay.

Zidane ayaa waqti adag ku maraya Bernabeu oo uu ku soo raaxaystay muddadii sanadka ahayd ee uu soo maamulayay Los Blancos isaga oo maanka ku haya muhiimada kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey ee ay kooxdiisu booqan doonto Celta Vigo oo kulankii bernabeu 2:1 guul ku gaadhay. In Modric iyo Marcelo muddo ka maqnaanayaan Real Madrid ayaa dhirbaaxo xun ku ah Zidane iyo kooxdiisa Madrid.

Qoryaalenews2@gmail.comMarcelo-and-Modric

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here