Maayarka Hargaysa Iyo Xil Dogox Oo Faro Cididood Saaka Lagu Kala Jiiday Iyo Maayar Cagaweyne Oo Gacan Ka Jebiyay Qaar Ka mid Ah Weriyaashii Duubay Muuqaalkaasi

0
552

Hargeysa, (QYNDOGOX )-Maayar ku-xigeenka degmada Hargeysa, Cabdicasiis Cagowayne, ayaa saaka rag ay walaalo yihiin oo magacyadoodu yihiin Bidixo, Miino iyo, Inan walaalo yihiin iyo hooyadood oo hudheel ku dhex-haysata dawladda hoose ee magaalada Hargeysa iyo dhalinyaro kale oo la socday, ayaa weerar gacan hadal ah ku qaaday qaar ka mid ah xildhibaanada Dawladda hoose ee Hargeysa, isla markaana qaar kamid ah xildhibaano iyo laba wariye oo ku sugnaa goobta dagaalka gacan hadalka ah ka dhacay ee daarada hore ee hoolka xaflada xilwareejintu ka socotaya dagaal gacan hadal ah ku soo qaaday,iyaddoo halkaa ka badbaadiyeen xildhibaanada ciidamo boolis ah halka laba Wariyo oo halkaa ku sugnaana mid ka mid ah dhaawac loogu gaystay.

Weerarkan maayar ku-xigeenka walaaladii iyo hooyaddood hogaaminaysay, ayaa waxa sababay markii munaasibad xilka kula kala wareegayeen Xoghayihii dawladda hoose ee Wasiirka arrimaha guduhu xilka ka qaaday iyo xoghayaha cusub ee loo soo magacaabay xafladdii xil wareejinta uu soo galay Xildhibaan Saleebaan Cabdillaahi Daahir (Dogox). oo ka tirsan xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa, ka dib markii hadalo hanjabaad isugu jira is dhaafsadeen Maayarka iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Selteelko iyo Cabdicasiis Cagaweyne oo weedhihii xildhibaan Dogox oo u dhacayey waan hadlayaa, mana sii fadhiyeysaan kursiga. kale,

 cago juglayntaa iyo hanjabaada dhex-martay Maayarka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) iyo ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Cagaweyne, ayaa waxa sawir muuqaal ah ka qaaday Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe iyo Idiri Yaxye  oo ka mid ahaa suxufiyiintii ku sugnaa goobta xaflada, ka dib markii munaasibadii soo dhamaatay aya awaxa weerar ku soo qaaday rag walaalo yihiin oo uu ku jiro Bidixo oo maayar ku-xigeenka walaalo yihiin, kana shaqayn dawladda hoose isla markaan waxay ku dhawaaqayeen weedho kamid ahaa maxaad u sawirtay ama muuqaalka uga duubtay Maayarka iyo maayar ku-xigeenka Cabdiraxmaan Seltelko iyo Cabdicasiis Cagaweyne ee Xildhibaan Dogox isu dhaaranayaan labadooda. Balse Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe  iyo  Wariye oo weerar gaadma ah markii xadladu dhamaatay ee uu ka soo baxay ku soo qaadeen Maayar ku-xigeenka wallaaladii oo Bidixo ka mid yahay ayaa soo gaadhsiiyey dhaawacyo gacanta ah iyo garabka, iyaddoo ciidamada booliskana uu ka badbaadiyey Maayar kuxigeenka Cabdicasiis Cagaweyne, lamina xidhin.

Hase yeeshee xarunta dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa, ayaa aheyd goob fooda ah, isla markaana waxa laga dhex-dareemayey khilaafka xoogan ee ka dhex-taagan xildhibaanada iyo Maayarka iyo kuxigeenkiisa, iyadoo dawlada hoose ee Hargeysana lagu arkayey ciidamo badan oo boolis ah oo la socday dhaq-dhaqaaqyada ammaanka iyo wax rabshado ah inay ka dhex-dhacaan xildhibaanada. Balse Xildhibaan Dogox iyo Xildhibaano kale oo Askarta Boolisku ka joojisay hoolkii xil wareejintu ka socotay, markii dambe oo dirqi ku soo galay Xildhibaan Dogox oo soo fadhiistay kursigii Badhasaabka Hargeysa oo markaa hadalka bilaabay ayaa isagoo cadhaysan soo fadhiistay Gursigii uu ka kacay badhasaabka, halkaana waxa Maayarka iyo kuxigeenka. Xildhibaan Dogox ayaa hadal la hadlay Maayarka, isagoo hadalkaasi ahaa mid adag oo hanjabaad ah ayaa maayar ku-xigeenka ayaa ku tarabayey erayo ay ka mid yihiin”Ma aniga ayaa ila hadlaysaa mise aniga.” Xildhibaan Dogox iyo xildhibaano kale oo la safnaa Dogox, iyo qaar akle oo raacsanaa Maayarka iyo ku-xigeenkiisa ayaa mar kale isku qabsaday bar-xadda hore ee dayrka hoolkii shirku ka socday, halkaasoo Maayarka iyo ku-xigeenku ku sii diyaariyeen koox dhalinyaro ah oo u muuqday difaac iyo ciddii ay u fahmaan inay xildhibaan Dogox la socoto ama taageersan talaabo ka qadaan, iyaddoo rag ku sugnaa xarunta lafteedana la kala qabtay dhalinyaraddaa ay hogaaminayeen maayar ku-xigeenka walaalkii, isla markaana xarunta dawladda Hoose ayaa isu-badeshay goob dagaal.

Halkan hoose ka daawo buuqii xaflada hanjabaadihii is dhaafsadeen

https://youtu.be/Wx3wEErhaDg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here