Daawo-Hooyo Masaakiin Ah Oo Gurigeedii Dab La Qabadsiiyay Si Looga Raro Oo Loo dhisto Dhulkeeda Iyo Baaq Ay u Dirtay Shacabka Islaamka Ah ee Somaliland

0
521

Hargaysa( QYN) Hooyo Khadiija Cilmi Aadan waxaa ay ka mid Tahay Waayeelka Jilicsan eek u Nool Hargaysa Gaar ahaana Xaafadaha Calaamadaha Waxaanu kula Kulanay Gudaha Magaalada Hargaysa waxaa ay noo sheegtay In Dhul ay degan tahay oo Cariish uga Dhisan Yahay Lagu haysto Ilaa sanadkii 2002 Taasi oo Keentay Marar badan in Laga Raro Iyadoo Ay Dhacday In Xili Xiliyada ka mid Ah Dab la Qabadsiiyay isla markaana uu kaga Gubtay Wiil ay Dhashay Ujeedaduna ay ahayd in Dhulka La Dego Marka ay Ka Guurto

 Khadiija Waa Hooyo Masaakiin Ah Oo Gurigeedii Laga Gubay Si Dhulkii Ay deganayd Loo Qaato,Waxaana Ay ii Sheegtay In Ilaa sanadkii 2002 Lagu Dul Haysto Taasi oo ka mid Ah  Xaaladaha Qarsoon ee Ka Soconaya Gudaha Caasimada

Waxay Sheegtay Hooyo Khadiija in Odaygeedu Ahaa Askari ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Isla markaana uu Hada Xanuun u Jiifo Cariishka Ay ka Degan Tahay Magaalada Isla markaana aanu Helin Wax Daaweyn Balse ay Ilaahay ugu Mahadnaqayso In ay Iyadu la Daaladhacdo Xaalada Qoyskaasi isla markaana Ay Ilaa Sanadkii 2002 Maxkamadiba Maxkamad u Dhiibaysay

Waxaa Ay Na Tustay Waraaqo Ay soo Kala saareen Wasaaradaha Arimaha Gudaha,Dawlada Hoose Waaxda Dhulka,Garsoorka Maxkamada Sare  iyo Wasaarada Cadaalada,Kuwaasi oo Midiba ay Mida Kale Khilaafsan tahay Isla markaana ay iska Hor imaanayaan Dhamaanba Wareegtooyin ay Soo Kala Saareen Waxaana ka Mid Ah

Amarada Dhulka lagaga Qaaday Odaygeeda oo lagu Magcaabo Xuseen amxamed Mire oo Dhulyaal ah Ayaa Sida ku Cad Dhamaantood Waxaa ay Yihiin Qaar Khalad ah Sababtoo ah Amarada Fulinta iyo ka wareejinta Dhulka eek u taariikhaysan 09/09/2014 inuu Cabirkiisu yahay 12×24 mitir Halka ay Gudida ka Garnaqa Dacwadaha dhulka ee Dawlada Hoose Gobolka Maroodijeex  Cabirkiisu yahay 10×20

“Hooyo waxay ila tahay khaladkoo dhami inuu yahay in Odaygayga Xuseen dhulkiisa inaanay Maxkamada sare Ka gaadhin wax goaan ayidaad ah Looyar La’aan Waayo waxaa Kala duwan Labada Cabir ee ay Soo kala Saareen gudida ka Gar naqa Dacwadaha Dhulka iyo Goaanka Ayidaada Maxkamada Sare waxaanan Hooyo ka Codsanayaa in Maadaama Ay Cadaaladu tahay Qiimaynta Goaamada Garsoorka ee Dalka inay Hoos u eegaan Arintayda waayo Wuxuba Dhamaantood isma Waafaqsana

“Hooyo Hadaan Anigu Dulmi Ku Socdo Maxkamad Hala Isoo Taago,Odaygii Wuu Jiifaa Askari Buu Ahaa Ciidan,Waxaan Codsanayaa In La ii Gurmado Waayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cai Wadadii Nimankii ka horeeyey ayuu Qaaday,waxbana iima Qaban
https://www.youtube.com/watch?v=ljKPunQGrz4&feature=youtu.behooyoo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here