Madaxwayne Siilaanyo Oo Hada Magacaabis Sameeyey Iyo Cadaani Oo U Macaabay Maareeye Ku Xigeenka Tvga Qaranka

0
534

Digreeto madaxweyne siilaanyo soo saaray ayaa lagu magacaabay maareeye ku xigeenka Tvga qaranka

WAR-SAXAAFADEED: 25/01/2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4506/012017, ku magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiin kala duwan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax (Caddaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh,

Axmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here