Shirkaddaha Telesom, Dahabashiil Group iyo Madaxtooyadda Oo kulan ka yeeshay go’aankii Xukuumadu KU Amartay labada Shirkadood iyo qodobada ka Soo Baxay kulankii XALAY.

0
541
ulan culus ayaa dhex maray masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland iyo xubno ka ka socday shirkadaha Dahabshiil Group iyo Telesom Group.
Sida uu nagu soo gaadhay nugul kooban, kulankaasi oo  maanta ka dhacay madaxtooyada somaliland ayaa waxa uu la xidhiidhay sidii looga wada hadli lahaa fulinta go,aamadii xukuumada somaliland dul dhigtay adeegyada lacagta layskugu diro ee  Zaad Iyo E-Dahab.
Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, afhayeenka madaxtoyada Xuseen Aadan Cige Deyr iyo wasiirul dawlaha maaliyada Cali Dhagoole  oo matalayey xukuumada ayaa masuuliyiinta shirkadaha Dahabshiil Group iyo Telesom Group hor dhigay fulinta go,aamadii xukuumadu dul dhigtay adeegyada E-Dahab iyo Zaad oo ay sheegeen inay u hogaansanaadaan jaangooyadii madaxweynu ku dabrayey Sicir Bararkii xadhkaha Goostay .
kulanka saddex geesoodka ah ayaa  lagaga wada hadalay in qodobada ugu muhiimsan ee kulankan lagu heshiiyey ay ka mid yihiin in xukuumadu sii dayso masuulkii ka xidhnaa shirkada Telesom Group iyo inay shirkaduhu fuliyaan go,aankii xukuumadu dul dhigtay adeegyadooda lacagta layskugu diro kuwaas oo shirkaduhu ay qaateen in ay la dhaqan galiyaan wareegtadii madaxweynaha balse ay ka cudurdaarteen inay imika fuliyaan maadaama ay muwaadiniin badan ay abaartu saamaysay oo lacag loogu dirro ama iyagu ku dirtaan waxay kaloo ay madaxda shirkaduhu carabka ku dhufteen inaaney suurta gal ahayn in ay wakhitagan ka saareen maadaama wakhti dheer hirgalinteedu qaadatay imikana ay isla naaqishidoonan xiliga ugu haboon ee ay badeli karaan  Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu dhamaaday  wakhtigii ay xukuumadu u qabatay inay shirkadahani fuliyaan go,aanadii la dul dhigay adeegyadooda.
heshisQoryaaleNews/Hargeysa Office
Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here