Guddoomiye Cirro Oo Kulan Shaaheyn Ahna La Qaatay Dadweyne Ku Sugnaa Maqaaxida Ubaxle Ee Degmada Axmed Dhagax

0
453
Hargeysa(QYN)Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa galabta la soo shaaheeyey sida oo kale na soo booqday goobo ka mid ah meelaha  ugu muhiimsan ee ay iskugu yimaadaan dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiye  Cirro oo ay wehelinaayeen mas’uuliyiin ka  tirsan Xisbiga WADDANI oo deegaan ahaan ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax, ayaa ugu horeyn waxa uu soo booqday guriga ay ku kulmaan beelaha Haashim, waxaana uu muddo saacado ah uu halkaas kulan kula qaatay guddidaasi isaga oo kala sheekeystay xaaladda abaareed ee deegaanada iyo weli ba
sida oo kale doorka muhiimka ee loogga qeyb-qaadan karo gurmadka abaaraha, waxaana ay guddidaasi guddoomiye Cirro uga mahad-celisay booqashada uu ugu yimi isla mar ahaantaana uu kala sheekeystay xaalka deegaanaddooda iyo weli ba sida oo kale mustaqbalkooda siyaasaddeed.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale sii wata booqashadiisa ku aadan goobaha ay ku kulmaan dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee Beel-weynta Arab, waxa uu sida oo kale uu la fadhiistay isla mar ahaantaana uu la shaaheeyey dhallinyarta, odeyaasha iyo wax-garadka ka soo jeeda xaafaddaasi oo uu kula shaaheeyey maqaaxida caanka ah ee Ubaxle, waxaana ay ugu horeyn si kal iyo laaba u soo dhaweeyeen booqashada uu ugu yimi guddoomiye Cirro iyaga oo bariido iyo salaan qaadid ba isu daba maray isla mar ahaantaana ku dhawaaqayey erayo soo dhaweyneed oo ay ku muujinaayeen taageerada ay u hayaan Xisbiga WADDANI, waxaana ka mid ahaa erayadoodii.
“Madaxweyne soo dhawoow, Madaxweyne Soo dhawoow, degmadu waa degmadaadii, waanan ku faraxsanahay in aad na soo booqoto ood na la soo fadhiisto ood na la shaaheyso waayo Xisbiga WADDANI waa xisbigayagii, waa xisbigii na ciil tiray ee noogga hiiliyey KULMIYE, anagu na waxa aanu kuu sheegaynaa Cabdiraxmaan  Cirrooy in xudunteena la kala jaray oo aan la ina soo kala dhex-gali karin.”.Ayey hadalo kaftan ah ku yidhaahdeen dadweynahii uu ku booqday Maqaaxida Ubaxle.
Ugu dambeyntiina, guddoomiye Cirro iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiintii la socday ba, waxa ay lug ku sii mareen Xaruntii dhaxe ee uu ahaan jiray urur siyaasaddeedkii Xaqsoor, iyaga oo halkaas kula kulmay qaar ka mid ahaa taageerayaashii hore ee ururkaasi oo imika ka tirsan Xisbiga WADDANI.A DHAGAX
Qoryaalenews/HA DHAGAXargeysa Office
qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here