War Deg-Deg ahTaliyaha Qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Hawd Oo Xabsiga U Taxaabey Maamulihii Kastamka Magaalada Bali-gubadle

0
633

Bali-gubadle(QYN)Taliyaha Qaybta ee Ciidanka Booliska ee Gobolka Hawd Axmed Cabdilaahi Cabdi ayaa Maanta Xabsiga u Taxaabey Maamulihii Kastamka Magaalada Bali-gubadle Cabdi Jaamac Cali.

Xadhiga Maamulaha Kastamka Bali-gubadle ayaan ilaa hada la Garanayn Sababta ka dambaysa iyo Sifaha Sharci ee uu Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Hawd uu u marey Xadhigiisa.

Balse Wararka aanu ka Helay Magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa sheegaya inuu Taliyaha Qaybtu si Cad Uga Horyimid Dakhli Ururinta Wasaarada Maaliyada ee la xidhiidha Qaabka loo Cashuuro Hal Baabuur oo Qaad oo Mara Magaalada Bali-gubadle isla Markaasina uu lid ku yahay Horumarka Gobolka .

Maamulaha Kastamka Bali-gubadle Cabdi Jaamac Cali Oo aanu Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhnay ayaa noo Xaqiijiyey inuu ku xidhanyahay Saldhiga Booliska Magaalada Baligubadle,ilaa Hadana uu u Xidhanyahay Taliyaha Qaybta ee Ciidanka Booliska ee Gobolka Hawd,Cabdi Jaamac Cali Ayaa Xadhigiisa ku Tilmaamay mid Sharciga Baalmarsan,

Maamulaha Kastamka Bali-gubadle Cabdi Jaamac Cali ayaa lagu majeertaa  Maamul Wanaag intii uu Joogay Gobolka Hawd iyadoo Bulshada kala duwan ee ku dhaqan Guud ahaanba Gobolka Hawd ay ka marag kaceen Hanaankiisa Maamul iyo Hawl karnimadiisa Shaqo.

Qoryaalenews/Baligubadle Officecabdi jaamac

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here