Warqad ku socota : Saraakiisha Xukuumadda Somaliland ee halkani na xidhiidhiso. iyo Akhyaarta Kale ee iyana halkani na xidhiidhiso.

0
941

 

Maxamoud Jamac Oday oo Booga facebookisa ku soo qoray warqadan iyo arin naxdin leh oo ka hadlayo iyado dadkii gajo iyo harad uu dhiimanayan.naxdin

Uj: Kiis Musuq-maasuq oo aan Indhaha laga Qarsan Karin
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++Darawal ka mid ah darawaliinta wadata gaadiidka waaweyn ee loo yaqaanno waaraadka ee ka xoogsada Somaliland, Eithopia, iyo Somaliaba ayaa shalay 27/January/2017, abbaaro 4:30 galabnimo, wuxuu noo xaqiijiyay in isagoo Berbera jooga, lagu yidhi kaalay raashin baad ka qaadaysaa bakhaarada WFP oo aad Hargeysa geynaysaa………Gaadhigii waa la buuxiyay, (raashin), markii rarkii lagu dhammeeyay, ayaa loo jaray waraaqihii uu rarka ku qaadi lahaa (way bill)-kii. Darawalku waa nin wax akhriya, waraaqaha loo jaray sida uu darawalku noo sheegay, waxay ku qoran yihiin in raashinkan loo raray Ceeri-gaabo…..Ninkii raray ee WFP sarkaalka u ahaa, wuxuu darawalkii u sheegay in raashinku Hargeysa yahay, oo uu sidaa ku geeyo Hargeysa. Darawalkiina wuxuu yidhi Way biill-ka aad ii jartay waa Ceerigaabo, ama raashinka aan Ceeri-gaabo geeyo ama igala deg oo cid kale kula wareeg raashinka.-sidaa darawalkii ayaa noo sheegay, wuxuuna diyaar u yahay in cid kasta oo doonaysa arrinkaa in ay wax ka qabato oo dawladda ah uu xog-dhamaystiran siiyo

Halkaa marka ay marayso, sarkaalkii wuu ku naxay in darawal sidan uga hor-yimaaddo…… waqti badan ayay ku qaadatay in uu raashinkii kula wareegay gaadhi kale. Sidaa ayuu shixnaddaa oo ka mid ahayd 15-gaadhi ugu safriyay Hargeysa isagoo bakhaarradana kaga raray inuu Ceeri-gaabo u diray.

Arrintaasi ma culus tahay? Mase u baahan tahay in laga hawl-galo?

 

 

______
M. A. O

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here