DAAWO Sawirrada: Wasiirka Hawlaha Guud Oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Socday Hay’adda Giz Iyo European Union

0
864

Hargaysa(QYN)Kulanka Waxa Wasiirka Ku Wehelinayey Maareeyaha Hayadda Wadooyinka Xasan Cali Cismaan, Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Kaysar Iyo Xubne Kale Oo Ka Socday Hayadda Wadooyinka Somaliland “RDA”. Dhinaca Waftiga Ayaa Waxa Hogaaminaysay “Mss. Susanne Martin” Oo Ah Madaxa European union Uqaabilsan Madaxa Arimaha Bulshadda Iyo Kaabayaasha “Haed Of Infrastructure And Social Sector” – Iyo Madaxa Hayadda GIZ Uqaabilsan Somaliland “Mr. Hendrik Linneweber” Iyo Xubno Kale Oo Wehelinayey Waftiga. Wasiir Cali Xasan Maxamed Xasan Ayaa Ugudbiyey Qorshaha Hayadda Wadooyinka, Mashaariicadda Hadda Ay Gacanta Ku Hayaan Kuwa Fulay Iyo Kuwa Hadda Gacanta Ku Hayaan, Mashaariicdda Soo Galay Iyo Goobaha Wax Lagaga Qabtay, Wadooyinka Iyo Biriijyadda La Dayactirey, Wuxuuna Ku Wargeliyey In Dawladdu Kordhisay Misaaniyadii Hor Loogu Bixin Jirey Wadooyinka 2010 Ilaa 2017.

Daneeyayaashan Horumarinta Wadooyinka Ee Iskugu Jirey Hayaddaha Kala Duwan Iyo European Union-ka Ayaa Wasiirka Ugu Bushaareeyey In Gacan Buuxda Ka Geysan Doonaan Intii Horena Kasii Libin Laabi Doonaan Horumarinta Wadooyinka, Waxaanay Uga Mahadnaqeen Sida Wacan Ay Mashaariicda Ula Fuliyeen Intay Wada Wadeen Mashaariicdan.

Ugu Danbeyn Kulankan Wasiirku La Qaatay Galabta Hayaddahan Iyo Urubian Union-ka Ayaa Kusoo Dhamaaday Guul Iyo Is Afgarasho Balaadhan.

.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani

Af-hayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud JSL

mareexaan

H252Xaafiska QoryaaleNews/Hargeysa
qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here