Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya oo waraaqahii Aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somaliland

0
674

Somaliland oo codsi cusub ee xubinnimada u gudbisay Midowga Afrika

Addis Ababa-Somalilandspan- Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Workneh

Gebeyehu ayaa waraaqahii aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Somaliland

dhowaan u magacowday dalkaa Amb. Cali Salaan Jirde (Cali-Shoombe)

Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Gebeyehu oo shalay ku qaabilay

xafiiskiisa safiirka Cusub ee Somaliland Amb. Cali Shoombe ayaa muujinaysa sare

u kaca xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, oo isbedel weyn ku

yimi tan iyo mudadii uu xilka wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland qabtay Dr.

Sacad Cali Shire.

Kulanka oo goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad

Cali Shire ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada

wadan, iyo sidii loo horumarin lahaa, siduu mareegta Somalilandspan u xaqiijiyey

Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee Itoobiya.

Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland oo dhowaan

madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo u magacaabay xilkaa ayaa

noqonaya safiirkii ugu horeeyey Somaliland ee Wasiirka Arrimaha Dibedda

Itoobiya ka gudoomo waraaqahiisa aqoonsiga.

Dhinaca kale, wefdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr.

Sacad Cali Shire oo maalmahii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Itoobiya

ayaa shaaca ka qaaday inay u gudbiyeen ururka Midowga Afrika dalab xubinnimo

Jamhuuriyada Somaliland ka hesho.

Dr. Sacad Cali Shire oo wareysi siiyey wakaalada waraka AllEastAfrica ayaa yidhi,

“Hadii loo baahdo waxaanu u gudbin doonaa codsi cusub.

“Waxaanu doonaynaa inaan Midowga Africa ka dhigaan ajandaha koowaad

arrinka Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu raaciyey.

“Waxaanu qeyb ka ahayn Soomaaliya 30 sannadood, waxaan filayaa inay ku filan

tahay. Xaqiiqdii waxay ahayd soddon sannadood oo waaya-aragnimo xun kala

kulanay midnimadii. 25kii sannadood u dambeeyey gaar ayaan u taagnayn, ma

jirto sabab aan ugu noqono midnimo aan shaqeynayn,?”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

safirkaQoryaaalenews2@gmil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here