Wasiirka Warfaafinta Cismaani Cadani oo afkun kaga dhawaaqa inuu Go’aan uu ku Sheegay inuu ugu Caddaalad Sameeyay Shaqaalihiisa.

0
641

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md.Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa  ku dhawaaqay natiijada go’aan la xidhiidhay  u caddaalad samaynta shaqaalaha iyo  madaxda qaybaha kala duwan, isla markaana shaqaale kasta oo isu heer ahba loo sameeyay mushahar iyo gunno midaysan.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidaasi ku sheegay munaasabad arrintan lagaga hadlayay oo  maanta lagu qabtay  xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargaysa, xafladdaasi oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiru-dawlaha, wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud, waxaanu tilmaamay in hannaankan cusub la soo waday muddadii 10-ka bilood ahayd ee u dambaysay. Munaasabadaa waxaa ugu horayn ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Md Axmed Abokor Maxamed oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada laga leeyahay hawsha dib u habaynta iyo qaabkii loo soo agaasimay,

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa sheegay in awoodda la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa Barnaamijyada ka baxa Telefiishanka Qaranka, halka sidoo kalena uu bogaadiyey barnaamijyada Radio Hargaysa, waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in barnaamijyada Radio Hargaysa ay aad u sarreeyaan, waxana aynu soo kicinaynaa barnaamijyada TV-ga Qaranka oo dhowaan Maareeye cusub iyo maareeye ku xigeen la keenay illaa ay Barnaamijyadiisu ka noqdaan kuwa ugu wanaagsan barnaamijyada ka baxa Warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasho.”

Wasiir Caddaani waxa kale oo uu ka hadlay caqabadihii ka hor yimid mudadii uu joogay wasaaradda, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay wax soo saarkii Tv-ga Qaranka, Radio Hargaysa, wakaalada wararka iyo wargaysyada Dawan Media Group, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “Caqabadihii aan la kulmay waxaa ugu weynayd cabashadii shaqaalaha ee ku saabsanayd mushaharooyinka iyo gunnooyinka ay qaataan oo aan isu dheelli tirnayn, waxaana jirtay in ay shaqaale isku shaqo ah ama isku Grade ah ay wax kala duwan qaadanayeen”.

Cabdillaahi Saxardiid waxa kale oo uu si rasmi ah u shaaciyey qorshaha dib u habaynta Gunnooyinka shaqaalaha ee ay hadda dhaqangelinayaan waxaanu yidhi “Qorshahan aanu soo diyaarinay waa mid ku dhisan shaqsiyadda Qofka shaqaalaha ah, waxana nagu kallifay markaanu aragnay in labo qof oo isku xil ah ama labo shaqaale ah oo isku Grade ah oo  kala gunno badan, iyadoo aanu ogaanay inay jiraan dad qaata lacag badan oo guryahooda iska fadhiya oo aan wax shaqo ah qaban, isla markaana wada tashi la samaynay Madaxda kale ee Wasaaradda sida wasiiru-dawlaha, wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud waxaa lagama maarmaan noqotay in dib u habayn lagu sameeyo Gunnooyinka iyo musharooyinka ay qaataan dhamaan  shaqaalaha wasaaradda, marka laga soo bilaabo agaasime waaxeedyada, agaasime ku xigeenada, madaxqaybeedyada, maamulayaasha iyo shaqaale weynaha kale, waxana dib u habayntaasi u kala baxdaa labo qaybood oo kala ah dad laga dhimay gunnadii faraha badnayd ee ay qaadan jireen iyo dad loo kordhiyey oo kor loo soo qaaday, iyadoo dadka loo kordhiyey ay ka mid yahiin dad lagu gunneeyey xil ay u hayaan wasaaradda, dad lagu gunneeyey shaqo muhiim ah oo ay wasaaradda u hayaan iyo daacadnimo ay ka muujiyeen sidii ay uga soo bixi lahayeen mas’uuliyada ka saarnayd shaqadooda.”

Wasiirka waxa kale oo uu qeexay qaabka ay u simeen gunnooyinkii shaqaalaha iyo agaasimayaasha ee mudada dheer kala sareeyey, waxaanu yidhi “Shaqaalaha Grade A oo mushaharo u qaadan jiray Hal Milyan iyo Konton kun waxay maanta laga bilaabo qaadan doonaan Hal Milyan iyo sagaal Boqol oo mushaharo ah, shaqaalaha grade B oo qaadan jiray in ku dhow Sideed Boqol waxay maanta laga bilaabo qaadan doonaan Hal milyan iyo Shan Boqol oo kun, shaqaalaha grade C oo hore u qaadan jiray Lix boqol oo kun waxay maanta laga bilaabo qaadan doonaan hal milyan iyo Boqol kun, shaqaalaha Grade D oo qaadan jiray saddex boqol iyo todobaatan kun waxay maanta laga bilaabo qaadan doonaan Toddoba Boqol iyo Toban kun.”

Dhanka kalena Wasiirku waxa uu Munaasabadaa ka dib  isla xarunrta wasaradda gudaheeda ka dhagax dhigay mashruuc ballaadhan oo ku saabsan dhismaha xarumo ay isticmaali doonaan Qaybaha baahinta ee wasaaradu, kuwaas oo ah dhismayaal Casri ah oo ay ku baxayso lacag aad u faro badan.

caddQoryaalenews2@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here