Xafladd Lagu Daahfurayey Bandhigga Iyo Tabobarka Alaabta Ay Shirkadda ENOC U Keento Macaamiisheeda Oo Hargaysa Lagu Qabtay.

0
817

Hargeysa(Sahan) Xafladd ballaadhan oo lagu daahfurayey Alaabta ay shirkadda ENOC u keento macaamiisheeda iyo sida loo isticmaalo ayaa lagu qabtay Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa,munaasibadda bandhigga xafladdaasi oo ahayd mid si quruxbadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalagay saraaakiisha shirkadaas xafiiskeeda u qaabilsan iibka iyo macaamiisha ee Somaliland iyo xafiiska shirkadaasi ee Dubai oo munaasibadan u yimid inay furitaanka xafladdan kala qaybgalaan macaamiisheeda iyo martisharafkale oo u badan ganacsatada reer Hargeysa.

Fuirtaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha xafiiska Somaliland Mr Xaamud Jaamac waxaanu ka warbixiyey shirkaddan Aflax Group ee wakiilka u ah shirkaddan Enoc oo ah shirkadd soo saarta saliidda gaadiidka mishiinadooda loo isticmaalo Emarate National Oil Company waxaanu sheegay inay xafladdani hordhac u tahay xaflado kale oo noocan oo kale ah oo maalmaha soo socda lagu qaban doono magaalooyinka Berbera,Boorama iyo Burco si ay shirkaddu u baahiso waxqabadkeeda iyo babdeecadahaha ay dalka iyo dadkaba u keenayso.

Mr Xaamud Jaamac waxa uu sheegay inay xafadaha noocan oo kale ahi horey u soo jireen oo ay shirkaddu qabanirtay sanadkastaba balse ay sanadkan ku baahiyeen inay xafladahan oo kale ku baahiyeen Goballada dalka “hadda ka hor waynu qabanjiray xafladaha noocan oo kale ah balse sanadkan waxaanu ku soo kordhinay inaanu xafladihii meelkaliya lagu qabanjiray aanu ku baahino goballada dalka habeen dambana waxaanu ku qaban doonaa Boorama habeenka ka dambeeyana Berbera habeenka xigana Burco” ayuu yidhi Mr Xaamud.

Waxaa isna halkaa warbixin qiimo badan oo maqal iyo muuqaal ahayd ku soo bandhigay ninka iibka shirkadda u qaabilsan aduunka oo dhan Eng Rajish Bilow waxaanu halkaa ku soo bandhigay shirkadda Enoc iyo waxsoo saarkeeda sida Saliidda mishiinada gawaadhida lagu shubo,iyo qaarkale oo farabadan,Mr Rajish warbixintiisa waxa uu ku sheegay inuu shikradan leeyahay Maxamed Binu Raashid oo ah ninka loo tirninayo inuu kamid yahay dadka ugu lacagta badan dunida Mr Rajish sidookale waxa uu sheegay inay shirkadda Enoc ka kooban tahay 37 shirkadood oo soo saara waxyaabo kaladuwan oo dunida kale loo iibgeeyo.

Waxaa isna halkaa ka hadlay wasiiru-dawlaha duulista iyo hawada Axmed Nuur Faahiye waxaanu ka wararamay ahamiyadda ay shirkaddani u leedahay horumarka Somaliland ka

bilawday waxaanu ku sababeeyey inay sababteeda leedahay maamulka Siilaanyo oo u hagarbaxay iyo heshiiskii shirkadda DP World la gashay Somaliland,Dhanka kalana waxa uu sheegay inay ka wasaarad ahaan xidhiidh fiican la leeyihiin shirkadaha Aflax iyo Enoc oo ay macaamiil fiican u yihiin kana iibsadaan Taaayirrada gaadiidka wasaaradda iyo saliida gaadiidka “anagu markiihoreba shirkadahan Aflax iyo Enoc waxaanu la leenu la lahayn xidhiidh fiican waxaanan ka qaadanaa Taayirrada gaadiidka wasaaradda iyo saliidda gaadiidka mishiinadooda loo siticmaalo” ayuu yidhi Mr Faahiye.

Dhanka kalana Mr Faahiye waxa uu wasaaradaha kale iyo ganacsatadaba u soo jeediyey inay la macaamilaan shirkadaha is huwan ee Aflax iyo Enoc “wasaaradaha kale iyo gancsatadaba waxaan u soo jeedinayaa inay ka iibsadaan alaabta ay keenaan shiradahaasi sida Saliidda iyo Taayirrada gaadiidka anaguna sidiihoreba aanu macmiilka ugu ahyan ayaanu u sii ahaan doonaa” ayuu yidhi Mr Faahiye.waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Cumar Shucayb Maxamed waxaanu soo dhaweeyey shirkaddan Enoc iy adeegeeda fiicanba waxaanu xusay inay ka wasaarad ahaa rajaynayaan inay Somaliland yimaadaan shirkado kale oo farabadan kusaasoo xafiisyadooda ka furan doona Somaliland “waxaan soo dhaweynaynaa shirkaddan Enoc iyo adeegeedaba waxaanan rajaynayaa inay dalka yimaadaan shirkado kale oo farabadan” ayuu yidhi Mr Shucab.

Gabagabadii xafladdaasi waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha kaladuwan ee ay samayso shirkadda Enoc iyo sida loo isticmaalo ama kaalinta xaga tayada ah ee ay kaga jirto suuqyada dunida waxaana warbixinta iyo faah-faahinta wax soo saarka Shirkadda Enoc markale soo bandhigay Madaxa iibka guud ee shirkadda Enoc Eng Rajish waxaana ka tarjumayay madaxa iibka iyo suuq-geynta Enoc ee Somaliland Mr Mustafe waxaana la arkayey ka soo qaybgalayaashii xafladdaasi oo maanka iyo maskaxdaba la sii raacaya daawashada iyo dhageysiga warbixintaasi laga soo diyaariyey badeecadaha kaladuwan ee ay soo saarto shirkadda caalamiga ah ee Enoc.

shirkadaha macaamiisha u ah saliidaha ay keento Enoc ee loo isticmaalo mishiinada laydhka loo shido Hargeysa xaafadaheeda kaladuwan iyo kaalmaha shidaalka oo iyana halkaa ka hadlay waxay sheegeen inay u bogeen saliidda Enoc “anagu waxaanu macaamiil u ahayn aflax lanadii sano ee la soo dhaafay makaanu shirkadkale isticmaao waanu dareenaa tayada saliidaasi waananu bognay waayo dee meel wayn bay haysataayoo ninka lihi waa ninka dunida ragga ugu lacagta badan kamid ah oo markaanu u baahanaba waxba kama wayno mana kala go’do” sidaa waxaa ku hadaaqay Eng Carab oo ku hadlayey magaca Hareysa Electeric Power.

 

 

 

 

 

 

 

Xaafiska QoryaaleNews/Hargeysa

 

qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here