Xukuumadda Somaliland Oo Maamnuucday Basaaboorka Soomaaaliya Ee Lagu Farsameeyo Gudaha Dalka, Iyo Nuxurka Digniino Loo Diray Dadka Ajaaniibka iyo Shacabka Somaliland

0
683

Hargeysa(QYN) xukuumadda Somaliland ayaa awaamiir culus kasoo saarta isticmaalka Basaaboorka dalka aynu ka Go,nay ee Soomaaliya waxaanay xukuumadda somaliland gabi ahaanba joojisay isticmaalka baasaboorka Soomaaliya ee lagu farsameeyo gudaha Somaliland Shir jar,iid oo ay si wada jira uu qabteen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe,, waxaanay shirkaas ku wehelinayaay, Wasiiru Dawlaha Amniga Taliyaha Ciidamada Boliska, iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka waxaana guud ahaan kulankaas lagu maamnuucay isticmaalka iyo ku safriida basaaboorka dalka soomaaliya ee lagu farsameeyo gudaha Soomaaliya

Ugu Horeyn wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir Faratoon ayaa sheegay in lagaa bilaabo maanta ay maamnuuc ku safarka iyo isticmaalka basaaboorka Dalka soomaaliya, wasiir faratoon ayaa warbaahinta uu akhriyay nuxurka saddex qodob oo ay si wada jira usoo saaro wasaaradda duulista iyo hawada iyo sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha islamarkaana lagu maamnuucay isticmaalka basaaboorka soomaaliya waxaanay uu dhinayeen sidan;

1-In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada , istimaalka iyo ku safarka baasaboorka soomaliya ee ka soo baxay ama ku qorantahay in lagu sameeyey goob kamida dhulweynaha jamhuuriyada Somaliland laga bilaabo January 2017.

2- Dhamaan Shirkadaha safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh baasaboorka kor ku sheegan ee la mamnuucay Isticmaalkiisa.

3- Dhamaan laamaha Socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa in aan baasaboorkan dalka lagu soo gali Karin lagagana bixi Karin.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland yaasiin Xaaji maxamed xiir faratoon waxaa uu baaq udiray dhamaan dadka ajaanibka ee ku sugan gudaha Somaliland waxaanuu ugu baaqay inay iska diiwaangeliyaan wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, wuxuuna dhanka kale Fariin idirey shacabka Somaliland wuxuuna ugu baaqay inay qataan Kaadhka Aqoonsiga ee Muwaadiinka ‘’ dhamaan dadka ajaaniibka eek u sugan dalka waxaan usoo jeedinayaa uguna baaqayaa inay is diiwaangeliyaan oo ay iska diiwaangeliyaan xarumaha looga furay magaalada hargeysa, waxaan sidoo kale shacabka Somaliland usoo jeedinayaa inay qataan kaadhka aqoonsiga, ee Goobohooda iyo degmooyinkooda ay jooganbaa ka qataan kaadhka Muwaadiinka si ay uu Noqdnaa wax lagu garto oo markhaati uu Noqda ‘’ ayuu Yidhi wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Gabgabadii wasiirka Duuliska Hawada Somaliland Farxaan adan Haybe ayaa isna Mid sharciga waafaqsan ku Tilmaamay go,aanka lagu hakiyay isticmaalka basaaboorka lagu farsameeyay gudaha Somaliland ‘’ waxaanuu uu aragnaa ariiin sharciga kasoo Horeeda islamarkaana xeerka iyo qawaniinta Somaliland Liidi ku ah, maa lihiin waxaanu joojnay basaaboorka soomaaliya laakiin waxaa la ogolyahay basaaboorka lagusoo sameeyo wuxuuna la midyahay basaaboorada kale laakiin basaaboor dal kale oo lagu samaaynayo dalkeena waa maamnuuc sida uu wasiirku sheegay.

 

 

 

 

 

 

sompasXaafiska Qoryaalenews/Hargeysa

 

qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here