Hargeysa: Lo’ Ku Bariisatay Goobihii Baabuurta La Dhigi Lahaa Iyo Ciidamada Wadooyinka Oo Wiish U Adeegsaday Gaadhiga Xildhibaan Xasan Cawaale

0
576

Hargeysa, February 1, 2017 (Sahan) – Magaalada Hargeysa waxa caadi ka noqotay in indhahaagu ay qabtaan Xoolo dhex jooga faras-magaalaha Hargeysa xiliyada subaxa hore (running time-ka) ee ay dadku shaqooyinka ku kalahayaan ilaa xiliyada Barqada ee duhurka ku dhow.

Waxaanay Xoolahaasi fadhiistaan goobihii ay dadku dhigan lahaayeen gaadiidka (parking), waxaanay marka dambe ku kaliftaa dadkaasi inay baabuurtooda kaga tagaan meelo khaldan oo aan Baarkin ahayn amaba ay ku jaraan wadooyinka, isla markaana ay saxmad iyo culays ku keento gaagiidka kale ee adeegsanaya jidka weyn ee Wadnaha Caasimada.

Sida muuqaaladan idiinka muuqata, Halkani waa wadada weyn ee hor marta baanka waxa meel ku beegan afaafka hore ee Baanka dhexe gaar ahaana ka Albaabka Bariga xiga fadhiya Lo’ tiradoodu ku dhaw dahay tobaneeye, kuwaas oo xanibay baabuurtii la dhigi lahaa goobaha Baanku ay ugu talo galeen Barkinka iyo gaadiidka la dhigo.

Lo’dan oo suxufi ka tirsan Wargyeksa Sahan uu sawiro ka qaaday ayaa Neef walba waxa ku xardhan Telefoon Lambarka (4139018), manay jirin cid ka kicisa lo’daasi goobtan ay ka xanibeen Baabuurta.

Intaasi ka dib markii uu wariyuhu wax yar uun hore u socday ee uu marayo Afaafka kale ee dhinaca Galbeed xiga ee Bangiga Dhexe waxa uu la kulmay Gaadhi Wiish ah oo ay leeyihiin Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka oo wadada ka jiidaya gaadhi Lancrueser ah, oo ay dad badan ku xoonsan yihiin, lana yaaban yihiin halka qofkii watay uu dhigay, xanibaada iyo saxmada uu ku keenay jidka iyo baabuurtii socotay ama isticmaalayso wadadaasi.

Markii aan u dhawaaday ayaa waxa aan arkay in gaadhiga ay ciidamada Bileysku ay wadada ka jiidayaan inuu goobtaasi kaga tagay xildhibaan Xasan Cawaale oo isagu markii uu arkay gaadhigiisa lagu xoosan yahay iyo wiishka jiidaya uu ku soo cararay.

Xildhibaanku waxa uu dadweynihii iyo Ciidamadii Nabadgalyada Wadooyinka iyo kuwii Bangiga Dhexe Ilaalinayeyba uu kala kulmay hadalo ah “Xildhibaan ma adigii sharciga ilaalin lahaa ayaa sharciga jabinaya oo gaadhiga kaga tagaya wadada dhexdeeda”…….. “Sharcigu ma shacabka uunbuu qabtaa” iyo ereyo kale oo la mid ah.

Markii xildhibaanka lagu yidhi ereyadaasi iyo hadaladaasi oo wajigiisana aad ka dheehan kartay naxdin iyo anfariir, ayuu goobtii ka kexeeyey.

Hase yeeshee waxa ay isweydiintu tahay Lo’dan Telefoonku ku xardhan yahay ee gaadiidka ka qaaday Baarkinka ma fasax ay ka haysataa Dawlada Hoose iyo Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka, Miyaanay ahayn in laga hawlgalo oo baabuurtuna ay helaan goobo ay dadadweynuhu gaadiidkooda dhigtaan marka ay xafiisyada sida baanka oo kale ah ay ka adeeganayaan.

Waxaanay Dadweyne badani ay u riyaaqeen Talaabada Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinku ka qaadaan gaadiidka sidan xun loo dhigo wadooyinak ee keena saxmada baabuurta.

loda

Xaafiska QoryaaleNews/Hargeysa

qoryaalenews2@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here