Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Oo Ku Tagrifalay Mashruucii Wacyigalinta Shiidaalka Iyo Dhitooyin Uu Kala Dhex Dhigay Deegaanadii Shiidaalka Laga Qodayey

0
496

 

Wasiirka Macdanta Oo Seedigii Ku Naas-Nuujiyey Mashruucii Wacyigalinta Shiidaalka Iyo Shirkadihii Shiidaalka Baadhayey Oo Dalka Iskaga Baxay

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Axmed Ducaale ayaa Musuq Maasuqay Mashruucii Wacyigalinta Shiidaalka isgoo sife is bahaysi garab jecel usiiyey Maskii kala fogeeyey warbaahinta iyo komishanka doorashooyinka Siciid Sheekeeye oo uu Seedi U Yahay Wasiir Xuseen Axmed Ducaale, Mashruucan Wasiirku ku Naas-Nuujiyey Seedigii ayaa Ahaa Mid loogu Talo galay In Lagu Wacyigaliyo Bulshada ka Ooman Faa,idada Khayraadka Dihin ee ku Duugan dalka Gaar ahaan mashruuca Shiidaal Baadhista oo lagu talo galay ka hor baadhista in Deegaanada laga qodayo Lagu wacyigaliyo muhiimada uu Dalka iyo Dadkaba ulee yahay,

balse waxaa taas halkaa Mar Oo Muuqaa Lawaa Ka dhigtay Markii wasiirku Gacan Garab og u Hibeey seedigii Sheekeeye Isla markaana  gaabis ku yimi shiidaal baadhistii qalooca la quman wasiirka ee aanu Casharka ka baran dhacdooyinkii Hore  ayaa Noqdey Mid ay  mar kale ka gadoodaan bulshada Deegaamadooda Shiidaalka laga baadhayo taas oo dhalisay Xiisad Sabab unoqotay in Shirkadihii Baadhayey ay ka soo Cararaan deegaanadii La Geeyey waxaaneys  salka ku Haysaa Dhitooyinka Uu Kala Dhex dhigay Muwaadiniinta Shiidaalka Loo Qodayo Wasiir Xuseen Kaas oo U kala Qaybiyey Ardaa-Ardaa isagoo La Quman Qaabka uu U waajahay Bilaabida Mashruuca,

Sidoo kale Odayaasha Deegaanada Saraar Iyo Oodweyne Ee Lagu Waddo in Shiidaalka laga Baadho ayaa Wasiirka uga digay inaney Masuulka Ahayn Amniga Shirkaddaha Shiidaalka baadhaya Ee Deegaankooda Jooga maadaama uu ka Dhego Adeygay Talooyin ay usoo Jeediyeen Wasiirka Taas oo ahayd Mid Daawo u ah Sidoo kalena Sahleysa in Shirkadahaasi Qodaan Shiidaal Baadhista  Balse Wasiirku Dhegaha Ka Fureystay.

Talo Maroorsiga Wasiirka ayaa Sababay in maleeshiyo beeleed deegaanka oo ka cadhoodey xad-gudub ay sameeyeen cagaftii shiidaalka Lagu Qodayey iyagoo Afduubtay  ka dib markii ay Baco ay kayd biyo ah ka dhigteen ay jiidheen iyagoo saraakiishii shirkaduhuna Cago dhabad ay dalka kaga Baxeen ,

Dhanka kale wasiirka iyo wasaarada Macdanta ayaan Waxba ka hayn Mashruucii Siimoodi Ee Macdan Baadhista taas oo Shirkadihii Jayniska ahaa ee uu dalka ku Fasaxay Khayraadkii macdanta kaga Badeshay Shilimo jeebkiisa anfac uleh waxaana dalka kaga Soo noqdey Dhismaha wasaarada Macdanta oo kaliya.

ilaa haddana lama Garan Karro Halka Uu Geeyey Dakhligii Ka Soo Xaroodey Koontiin Dharo Macdan ah Oo Ay Dalka Kala Bexeen Jaynihii Awooda La Siiyey.

 

 

 

siicid

Talaabadan Wasiirku Qaadey ayaa Ku Soo Jeedisay Indhaha Madaxweyne Siilaanyo Isagoo si kulul Ula Hadlay Inaanu Mar dambe qaadin Talaabadan Guracan isla Markaana Imika Bulshadu Diyaar U Ahayn In Shiidaal Iyo Macdan La Baadho Maadaama Dalka ay ka Jirto Abaar ba,an Oo Dad iyo Duunyoba Lagu Leeday isla Markaana Taa Badelkeeda lagu badelo Biyo iyo Jal lagu qabto Nafaha ooman Loona Baahan Yahay in la xoojiyo Gurmadka Abaaraha. Dhawaaqa Madaxweynaha Ayaa ahaa Mid Indhaha Ka Soo Tuurey Wasiirka Macdanta Taas oo uu Jawaab Qancisa Madaxweynaha Ka Waayey Afkiisa.

siicid

 

 

 

 

 

 

 

Xaafiska QoryaaleNews/Hargeysa

qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here