ANKARA: Dowladda Jarmalka oo bil walba 500 oo qoxooti ah ka qaadeysa dalka Turkiga

0
578

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa maalmahan waxa ay booqasho ugu sugneyd dalkaasi Jarmalka halkaas oo ay heshiisyo qoxootiga khuseeya kula saxiixatay dowladda Turkiga.

Labada dal ayaa waxaa ay shalay kala saxiixdeen heshiis dhigaya in dowladda Jarmalka ay bil walba ka qaadi doonto dalkaasi Turkiga qoxooti dhan 500 kuwaas oo intooda badan kasoo jeeda dalka ay dagaalladu la dageen ee Suuriya.

Hershiiskan ayaa waxaa lagu kala saxiixday magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxaana labada dhinac u kala saxiixay r/wasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim iyo dhiggeeda dalka Jarmalka Angela Merkel.

Heshiiskan ayaa yimid kaddib markii maalmo ka hor dowladda Turkiga ay ku hanjabtay in ay ka baxeyso heshiisyadii qoxootiga khuseeyay ee ay Midowga Yurub la galeen xilli sii horreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here