Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aankii maxkamadda ICJ ka gaartay dacwadda badda

0
486

Madaxweynaha ayaa g`aankan ku sheegay mid farxad u leh umadda Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay Alle bariyaan si uu ugu guuleeyo dacwadaasi.

“Alle ayaa dadka Soomaaliyeed ku guuleeyay inaan helno dib u hanashada baddeena ee dacwada ku jirta ee maxkamadda caalamiga hor-taagan, dadaalkeenna waan qabanay, inta dhimmanna waan qaban doonnaa” ayuu yiri madaxweynaha.

Shalay ayay aheyd markii maxkamaddu ka fariisatay bal in ay qaaddo muranka dacwadeed ee dhanka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay kusoo gunaanaday maxkamaddu in ay dacwaddaasi qaadeyso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here