Tacsi Ka Timi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo u dirayo/

0
727
MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaashi Ismaaciil Aadan oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/02/2017, magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin hawlkar ah oo kaalin muuqata ku lahaa dib u dhiska dalka, in muddo ahna qaranimada Somaliland uga ololayn jiray dalka Maraykanka, bilihii u danbeeyeyna waxa uu ku sugnaa gudaha dalka, maantana tii Alle ayaa ku timid isagoo ku sugan cidiisa hooyo.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here