Dalka Sweden Oo lacago Badan laga Daldalshay Mashiinada Derbiga Ee Loo Yaqaano ATM

0
640

Bangiga Sweden bank ee dalka Sweden mashiinadiisa derbiga lagu dhajiyo ee loo yaqaan ATM ayaa is xidhey kadib cilad Bangiga ku timid habeenkii xalay ee sabti  taas oo sababtey in Mashiinku bixiyo lacago xad-dhaaf ah taas oo aan ku jirin Koontada qofka la baxaya.

Kadib markii ay dadku ogaadeen in mashiinku u qarxey ayey safaf u galeen, waxaa goobta soo gaadhey Booliska oo markii danbe waardiye ka qabtey mashiinada lacagta lagala baxo sid uu qorey Joornaalka DN.

Booliska ayaa sheegay in safafka loo galay bangiyadaasi ay u muuqdeen sidii bandhig faneed tigidh loo goosanaayo.

Magaalooyinka arintaani ka dhacdey waxaa kamid ah magaalada Malmo, Stockholm iyo Gotherburg.

Afhayeen u hadley Bangiga Swedenbank oo lagu magacaabo Gabriel Francke Rodau, ayaa sheegay in ay jirtey cilad Data ah oo bangiga barnaamijkiisa gashey taas oo dib laga xaliyey.

bangigaqoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here