Nuxurka Kulan Dhex Maray Wasiirka Qorshaynta Iyo Masuuliyiinta Hay’adda Worl Vision+Sawiro

0
2481

wasiirka qorshaynta qaranka iyo horu marinta somaliland Maxamed Ibraahim Aadan(Qabya-Tire) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socda hay’adda World Vision q3(66).jpgmasuuliyiin ka socda hay’adda World Vision.

Xubnaha weftiga hay’adda World Vision ayaa ka socday xafiisyada hay’addu ku leedahay magaalooyinka Hargeysa,Nairobi Iyo Australia.

Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa lagaga wada hadlay sii xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya xukuumada somaliland iyo hay’adda World Vision.

Masuuliyiinta hay’adda World Vision ayaa kulankan ka sheegay in sanadkii dhamaaday ee 2016-kii ay dalka fuliyeen mashaariic horu marineed oo ku kacay lacag dhan $4.8 Million, waxaanay sheegeen in lacagtan lagu fuliyey mashaariic ku saabsan dhinaca caafimaadka, biyaha, nadaafada, shaqo abuurka iyo

mashaariic dhinaca nafaqaynta ah.

Labada dhinac ayaa intii kulanku socday ka wada hadlay mashaariic ay hay’addu ka bilaabi doonto dalka kuwaas oo ku saabsan qaar wax lagaga qabanayo abaaraha soo noq noqda,samaynta biyo xidheeno,qodida ceelal cusub oo laga cabo iyo mashaariic dhinaca daryeelka xoolaha ah kuwaas oo laga fulin doono Oodweyne iyo deegaano ka mid ah gobolka Sool.

Mudadii kulanku socday ayey labada dhinac  isla qaateen in qorshaha horu marinta qaranka somaliland ee wasaarada qorshayntu diyaarinayso lagu daro nidaamyo lagaga hor tagayo abaaraha soo noq noqda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here