Shiinaha ayaa sameeyay shirkad soo saaraysa matoorka diyaaradaha oo la tartami doonta reer Galbeedka

0
605

Shiinaha ayaa sameeyay shirkad soo saaraysa matoorada diyaaradaha markii ugu horaysay si ay ula tartamaan warshadaha reer Galbeedka.

Shirkadda ay leedahay dowlada ee Aero-Engine Group ee Shiinaha ayaa la sameeyay, iyadoo la isku daray shirkado matoorada diyaaradaha si ay warfaafinta gudaha ay sheegeen.

Waxay is diiwaan galisay inay haysato 50bn yuan ($7.5bn) ayna soo saarayso matoorada diyaaradaha rakaabka iyo kuwa milatariga.

Shiinaha ayaa hadda soo saarta diyaaradaheeda. Laakiin waxay sanado badan la halgamaysay inay matoorada diyaaradaha ee heerka caalamiga ay soo saarto.

Shiinaha ayaa hadda matooradeeda diyaaradaha rakaabka ka gadata General Electric and United Technologies’ Pratt & Whitney. Diyaaradaha milatariga Shiinahana waxay isticmaalaan matooro lagu sameeyay Ruushka.

Madaxweyne Xi Jinping , ayaa ku tilmaamay shirkadda cusub ee la sameeyay ‘talaabo istaraatijiyad ah’ oo loogu talagalay in la dhiso awooda wax soosaarka diyaaradaha ee Shiinaha ee uu caalamka ku leeyahay, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Xinhua.

Dowladda Shiinaha, shirkadaha Aviation Industry Corp of China (AVIC), iyo Commercial Aircraft Corp of China (Comac) ayaa maalgaliyay shirkadda cusub.

AVIC ayaa samaysa diyaaradaha milatariga iyo hilikobtarada, halka Comac ay soo saarto diyaaradaha rakaabka ee ugu wayn Shiinaha ee C919.shiinaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here