Tacsi ka Timi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo kusota

0
651

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

15 February 2017

TACSI GUDDOOMIYEtacsi

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdalla Axmed Dheere oo ku geeriyooday dalka Jarmalka galabta oo taariikhdu tahay 15/02/2017.

Geerida Marxuum Cabdalla Axmed Dheere waxa uu Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo isagu dhalay ama aabbo u ahaa Marxuumka geeriyooday.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here