Abaarta Ka Taagan Gobolada Bari Oo Meel Xunmaraysa, Neef ORGI Ah Oo Ilmo Yar Ku Cuney Gobolka Sool Iyo Xog-waranka Hooyada Dhashey.

0
368

Iyadoo Abaarta Ka Taagan Gobolada  Bari Ay Maalinba Maalinta Kasii Danbeysa Ay Cirka Isku Sii Shareerayso, Ayaa Sido Kale Waxaa Lagu Arkey Abaartaas Dhacdooyin Murugo Leh Tii Ugu Danbeysay Ayaana Noqotay, Neef Orgi Ah Oo Ilma Yar Ku Cuney Degaan Yayle Oo Ka Tirsan Gobolka Sool

Ilmahan Yar Oo Lasoo Gaadhsiiyay Magaalada Burco Ayaa Ka Hadley Axmed Cali Baynax Oo Ka Tirsan Guddida Abaaraha Gobolka Togdheer Iyo Hooyada Dhashey Ilmaha ”Ilmahan Yar Waxaa Laga Soo Qaadey Meesha la Yidhaahdo Madaxlagu Xoor Oo Ka Tirsan Gobolka Sool Markii Horena Waa Dadkii Soo Hayaamey Ee Coodanle Yimi Ilmahan Yar Da’diisu Waxay Jirtaa Saddex Bilood Waa Wiil Waxaa Cuney Orgi Isagoo Jiifa Oo Guri Ku Jira Xoolihii Markay Gajoodeen Cunooyin Ayaa La Siiyay Markii Cuntooyinkii La Siiyay Ay Ku Yaraadeen Meeshii Ay Ka Helikaraanba Way Ka Dayayaan Dabadeed Ilmahan Yar Oo Hoyadii Dibada Uga Baxdey Ayuu Neefkii Ku Dhagay Xooliii Halkaas Ay Marayaan”Ayuu Yidhi Axmed Cali Baynax Oo Ka Tirsan Guddida Abaaraha Oo Warfidiyeenka Ka Hadley.

Hooyada Dhashey Ayaa Ilama Tilmaamtay Qaabka Wax Udhaceen”Debedaan Uga Baxay Oo Gurida Ayaan Kaga Tagay Dabadeed Qaaqdii Ayaan Soo Boodey Saa Orgigii Ayaa Ilmihii Yaraa Cunaaya Oo Gacanta Ku Dhagan Orgiyar Oo Raashin Cunaayay Oo Meelahan Marmaraayay Ayuu Markii Hore Ahaa”Ayay Hadalkeeda Ku Sheegtay Hooyada Dhashey Wiilka Yar Ee Neefku Cuneqoryaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here