Diyaarad Dagaal Sidey Deeq Mucaawino Ah Oo Kasoo Dagtay Madaarka Berbera Iyo Masuuliyiin Ka Hadley

0
491

Diyaarad Siday Deeq Mucaawimo Ah,Oo Ka Timi Boqorka Dalka Kuit Boqor Salmaan Ayaa Maanta Diyaarad Nooca Dagaalka Ahi Kasoo Dejisay Madaarka Diyaaradaha Ee Magaalada Berbera

 Waxaana Halkaasi Ku Qaabilay Wefti Kasocotay Xukuumada Somaliland Oo Hor Kacaayo Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe

 Waxaana Ugu Horayntii Ka Hadlay Munaasabadaasi Qaar Ka Mida Masuuliyiinta Ka Socday Dawlada Imaaradka Ee Iyagu Wakiilka Ka Ahaa Deeqdan Raashinka Ah Iyaga Oo Sheegay In Raashinkani Qayb Ka Yahay Gurmadka Abaaraha Ee Loogu Jiro Sabata Bixinta Dadka Abaaruhu Halakeeyeen Ee Kunool Somalilnd,Iyaga Oo Xusay In Deeqdani Uu Si Gaara Somaliland Ugu Soo Dhiibay Boqorka Dawlada Imaaradka Carabta,

 Dhanka Kale Waxaa Hadalka Qaatay Wasiiradii Ka Socday Xukuumada Somaliland Iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo Boqorka Iyo Dawladiisaba Uga Mahad Celiyay Caawimada Ay Soo Gaadhsiiyeen Shacabka Somaliland Gaar Ahaan Kuwa Saboolka Iyaga Oo Gaadhsiiyayna Salaan Ay Uga Sideen Boqorka Madaxweynaha Somaliland

 Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Yidhi,Wadamada Carabtu Waxay Maanta Muujinayaan Inta Ay Inoo Kala Jiraan Iyaga Iyo Wadamada Westrenkku Qaarada YURUB,Intaas Oo Jeer Ayay Nagu Soo Noqdeen Wadamada Reer YURUB Doorasho Qabta Mooye Marqudha Namay Oran Hooya Caawimadan Oo Dadkiina Jilicsan Siiya,Nina Intuu Kuu Jiro Kuuma Soo Dhaafi Karo,Inaga Iyo Wadamada Carabtuna Waxaynu Isku Xidhnayn Ilaayo Boqor Sucuud,kuwayt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here