Cabdiraxmaan Cirro Oo Dawlada Somaliya Mar kale Ugu Sacaba Tumay Iney Isku Cuno Duubto Heshiiska Saldhiga Berbera Iyo Xisbiga Wadani Oo Maaliyad Badan Ku Bixinaaya Sidii Maxkamadaha Caalamiga Ah Loo Gayn Lahaa.

0
435

Wasiir Maxamuud Xaaji Cabdi Oo Si Cilmiyaysan Usharaxay Faa,idada Saldhiga Iyo Gudoomiye Oo Somaliya Uqayshadey_________

Idaacada Laanta Afka Somaliga Ee BBC-DA Ayaa Doodii Jimcaha Kusoo Qaadatay Saldhiga Milatari Ee Xukumada Somaliland Ka Kireysay Dalka Imaaradka Kaas Oo Uu Ku Yelanaayo Magaalada Berbera

Doodan Oo Aheyd Mid Kulul Oo Fadhiga Looga Kacay Waxaa Ka Qayb Galay, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Dr Cabdi Ismaacil Samatar Oo Ku Sugan Dalka Maraykanka

Gudoomiye Cirro Oo Hadalka Ku Horeyay Ayaa Yidhi”Waxaanu Leenahey Dastuur, Dastuurka Ayaana Tilaamaya, Tilmaamaha Guud Ee Golaha Wakiilada Iyo Guurtida, Markaa Qodobka Sagaashan Iyo Sodonaad Ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Wuxuu Sheegayaa, Golaha Wakiiladu Waa Xubno Ka Wakiilka Ah Dad Waynaha Waana Qaybta Kowaad Ee Xeer Dajinta Ansixinta Xeerarka Ogalaashaha Iyo Ilaalinta Siyaasada Guud Ee Dalka, Golaha Guurtida Somaliland-na Waa Golaha Guud Ee Odayaasha Waa Qaybta Labaad Ee Xeer Dajinta Waxayna Dib U Egeaan Xeerarka Kasoo Baxa Golaha Wakiilada Intaan Madaxweynaha Waxayna Gaar Uleeyihiin Dajinta Xeerarka Ku Sahabsan Diinta Dhaqanka Iyo Nabad Gelyada, Somaliland Runtii Waxay Ku Socotaa Waa Qaran Uu Hogaamiyo Sharcigu Dastuurka Ayaana Aas Aas U Ah, Sidaa Daraadeed Heshiiskan Ay Keenaysay Xukumadu Ee Saldhiga Milatari Ee Imaaradka Talo Lagama Yeelan Oo Taas Waxaa cadeyneysa Xukumadu Golaha Wasiirada Lama Keenin Intaan Golaha Wakiilada La Keenin, Odayaasha Lagama Tashan Shir Gudoonka Golayaashan Lamay Tashan Markaa Taasi Waxay Meesha Ka Saareysaa Talo Dawaagii Ay Ku Dhisneyd Hanaanka Siyaasadeed Ee Somaliland”Ayuu Yidhi Gudoomiye Ciro

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Ayaa La Waydiiyay In Markii Madaxweynaha Somaliland Hor Imaanayay Golayaasha Baarlamaanka In Lagu Wargaliyay Ayaa Ku Jawaabey”Een Madaxweynahu Wuxuu Soo Qoray Waxqad Waxaanu Usoo Qorey Labada Shir Gudoon Fadhi Wada Jir Ah Inuu Isugu Yedhaayay Labada Gole Si Looga Hadlo Arrimaha Nabad Gelyada Haseyeeshee Markaan Anagu Shir Gudoon Ahaan Arrintaa Eegney Waxaanu La Hadalney Madaxtooyada Gaar Ahaan Gaar Ahaan Wasiirka Madaxtooyada Dabadeed Wuxuu Fududeeyay Inaanu La Kulano Madaxweynaha Kulankaas Aan Madaxweynaha La Yeelaney Wuxuu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Noo Sheegay In Golaha Kenayaan Heshiiska Saldhiga Milatari Ee Imaaradka Hayeshee Bisa 10-keedii Waxaa Cadaatay IN Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland U Sheegay Inaanu Jirin Wax Heshiis Ah Oo Lala Galay”Ayuu Yidhi Gudoomiye Ciro

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Ayaa Hadalka Qaatay Isagoo Cadeeyay Inuu Jirin Wax Heshiis Ah Oo Xukumadu La Gashey Imaaradka Waxanu Yidhi”Waxaanu Laba Gole Ee Barlamaanka Jamhuuriyada Somaliland Wax Loogu Magac Daray Nuxurkii Heshiiska Saldhiga Milatari Lagu Yagleelaayo Heshiisyada Shardi Maaha In Lagu Qoro Af Ingiriisi Waxaanu Hor Gayney Mudanyaashadii Oo Kala Duduwan Afkayaguna Waa Afkii Hooyo Waxaanu Turjuney Wixii Aanu Afka Kale Ku Qorney Waa Ubucdii Iyo Nuxurkii Heshiiska Aanu Gali Doono, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Saaxibkay Cabdiraxmaan-na Waxay Halkaas Mudanaashu Ka Ansixiyeen Wuxuu Ogyahey Inay Sharci Yihiin Cid Badali Kartaa Ma Jirto Waa Sharci”Ayuu Yidhi Wasiir Maxamuud Xaaji Cabdi

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Ayaa Sidoo Kale Ka Jawaabey Su’aal Uu Wariyuhu Waydiiyay Oo Nuxurka Keedu Ahaa Iney Soo Bandhigan Cida Ay Heshiiska La Saxeexdeen”Heshiis Aanu Saxeexney Ma Jiro, Heshiiska Waxaa la Saxeexaa Marka La Ansixiyo Heshiisku Waa Heshiis Culus Oo Saameyn Ku Leh Siyaasad Dhaqaale Nabad Gelyo Markaa Saxeexaynaa Markaa Heshiiska La Ansixiyo Waana Wax Caan Ah Oo Dunida Laga Yaqaan”Ayuu Yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Gudoomiye Cirro Ayaa Hadalka Qaatay Waxaanu Isagoo Ka Jawaabaya Hadalka Wasiirka Yidhi”Maxamed Waan Salaamayaa Ma Jecli In Waxaanu Sheegin Aan ka Sheego Shir Gudoonka Wuxuu Usheegay Iney Golaha Keenayaan Heshiis Ay La Galeen Dawlada Imaaradka Sida Uu Qoraayo Qodobka Kontan Iyo Sadexaad Golaha Wakiiladu Wuxuu Ansixinayaa Heshiisyada Ay Ka Midka Yihiin Kuwo Dhaqaale Iyo Nabad Gelyo Meel Ay Dastuurka Kaga Taalo Ma Jirto Golaha Waxaa La Keenayaa Nuxurka Heshiiska Ma Jirto Qodobka Laba Iyo Tobnaad Ayaa Xukumada Awood Usiinaya Iney Heshiis Gali Karto Xukumada Waxaa Laga Rabaa Iney Golayaasha Heshiiska Keento, Waayo Awoodaha Qaranka Waxaa Loo Qaybiyaa Sadex Xukumada Waxaa Awood Loo Siiyay Iney Heshis Gali Karto Baarlamaanka Waxaa Awoodiisu Tahey Inuu Hubiyo Heshiiska Xukumadu Gashey Hadaaney Heshiiba Xukumadu Soo Galin Maxaa Golaha Loo Horkeenayaa?”Ayuu Yidhi Cirro

Wasiirka Madaxtooyada Ayaa Hadalka Qaatay Waxaanu Iftiimiyay Qodobada Lagu Heshiiyay”Waxan Jeclahey Inaan Ka Daba Tago Gudoomiyaha Doodii Uu Hada Jeediyay Waa Qodobka Kowaadee Laba Gole Waxaanu Keenay, Kaasbaa Noqonaaya Heshiiska Aanu La Galayno Dalka Imaaradka Carabta Waa La Saxeexi Donaa Waxaanu Nuqul Rasmi Ah Soo Tusi Donaa Cidii Danayneysa Hadii Wax Laga Badalo Waxaa Waaji Ah In Aanu Kusoo Celino Labad Gole Qaran Qodobka Gudoomiyuhu Daliishadey Golaha Wakiilada Heshiisyaa La Daliishadaa Waanu Gayney Heshiiskii DP WORLDBA Waanigii Gayney  Anagu Waxaanu Nahey Xukumada Bisi Oo Shuruucda Ixtiraanmta, Heshiiska Saldhiga Milatari Wuxuu Jamhuuriyada Somailand Uhorseedayaa Fursado Farabadan, Waana Arrimaha Ama Hogaamiyaha Xukumada Markaa Talada Haysa Uu Kaga Duwan Yahey Keeno Hal Abuur, Wuxuu Xoojinayaa Amniga Iyo Xasiloonida Mandaqada Gaar Ahaan Marinbiyoodka Badda Cas Ee Somaliland, Amniga Ayuu Wax Ka Tarayaa Wuxuu Wax Ka Tarayaa Dhaqaalaha Iyo Horumarka Umadan Oo Waanu Kirayneynaa Saldhga Waxaanu Ka Helaynaa Aduun Mashaaric Ayaa Lanoo Qabanayaa Waawayn Oo Laf Dhabar Unoqda Horumarka Somaliland, Wuxuu Dhiiri Galinayaa Barnaamijyo Iyo Mashaaric Kale oo Wuxuu Daba Socdaa Kii Dp word Kan Siyaasada Xukumadu Waxaa Weeye Inaan Dalkan Saaxibo Dhaqaale Iyo Kuwo Horumar U Abuurno Wuxuu Kale Oo Somaililand Usoo Kordhinayaa Saaxibo Cusub Wuxuu Abuurayaa Dano Caalami Ah Kor Uqaada WaMaxamuud-xaanu Wadnaa Waa Kuwaas”Ayuu Yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Maxamuud Xaaji Cabdi Ayaa Intaa Ku Daray “Horta Waan Ka Xumahey In Pro Cabdi(Masuul Dooda Kala Qayb Galay ) In Aragtidiisu Noqon Waydo Mid Dhex Dhexaad Ah Waan Durayaa, Somaliland Dal La Aqoosan Yahey Maaha Laakin Waa Xaqiiro Jirta oo Rubuc Qarni Dunida Hor Taalay Duniduna Way Nala Macaamishey Heshiisyo Caalami Ahnbaan Galnaa Waxaanu La Galney Heshiiyo Shirkadaha Ugu Waaweyn Dunida Ee Shidaal Baadhista” Ayuu Yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here