Khilaafka Wasiirka Macdanta Oo Markale Bulshada Reer Togdheer Kala Qoqob Qabyaaladaysan Kula Kacay

0
618

 

Iskaashatada Gaadiidka Ee WAAFI Oo khaati Ka Taagan Hannaan Qalloocan Oo Uu Wasiirku Ku Xushay Baabuurta Loo Kiraysanayo Sahaminta Shidaalka

 

Is-kaashatada gaadiidleyda Landcruiser-da loo yaqaanno ee WAAFI oo fadhigeedu yahay  magaalada Burco, ayaa si weyn cabasho uga muujiyey kala faquuq reernimo salka ku haya oo uu wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale kula kacay, waxana ay sheegeen inuu wasiirku dariiq qaldan u isticmaalay gaadiidka kala duwan ee loo kiraystay arrimaha shidaal baadhista laga wado meelo badan oo gobollada Bariga dalka kamid ah.

Gaadiidleydan oo shalay saxaafadda kula hadlay gudaha magaalada Burco oo ay mudaharaad ka dhigeen, ayaa sheegay inuu wasiirku gaadiidka uu arrimaha shidaalka u kirstay ku saleeyey arrimo reernimo, isla markaana uu iska indho tiray xaqii ay u lahaayeen inay gaadiidkooda kaga mid noqdaan kuwa kirada helaya.

Sidoo kale waxa ay xubnahan gaadiidleyda ahi sheegeen inuu wasiirku ka muquurtay inuu la kulmo oo uu ka qanciyo, iyaga oo si cad u sheegay in saami-qaybsiga reeraha ku salaysan ee uu wasiirka macdantu isticmaalay ku haboonayn inay bulshadu xuquuqdooda helaan, “Waxanu ka koobanahay 150-gaadhi oo kasoo kala jeeda lix gobo loo Somaliland ah, cabashadayaduna waa annaga oo muwaadiniin cashuur bixiyayaal ah haddana ballamo badan oo aanu wasiirka macdanta la yeelanay wuu diiday inuu oofiyo oo uu nala kulmo, arrinta gaadiidka ee uu reeraha ku saleeyeyna annaga nooma cuntamayso, reerka dhan ee halka gaadhi la siiyeyna isagaaba isku dilaya, annaguna dad fikirkooda ku midoobay baanu nahay, gobolkana waxa uu wasiirku ku magacaabay reero kooban”sidaa waxa yidhi mid kamid ah is-kaashatada gaadiidleyda ee WAAFI.

Xubnahani waxa ay wasiirka ku eedeeyeen inuu bulshadii reer Togdheer kala qayb-qaybiyey, isla markaana uu soo nooleeyey qabyaalad waa hore la dhaafay oo aan wax dheef ahi ku jirin, iyaga oo bulshadana ugu baaqay in dhaqanka wasiirka macdanta ee gurracan la diido, waxana mid kamid ah gaadiidleydan oo arriintan ka hadlayaa uu yidhi,“Wasiirku waxa uu kala qayb-qaybiyey oo kala baho baheeyey gobolkii Togdheer, isaga oo kusoo kordhiyey daamo cusub oo Bari iyo Galbeed ah, dadkana waxanu leenahay arrintaas ha yeelina, waddanka horumar baa loo doonayey laakiin wasiirku qabyaalad cad buu wadaa, dadka reer Burco-na waa inay arrintaas kasoo horjeestaan.”

Ma aha is-kaashatooyinka gaadiidka oo kali ah cidda cabashada ka muujiay hab-dhaqanka wasirka Macdanta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, balse waxa maalin walba soo baxaya khilaafyo hor leh oo uu luga kula jira, kuwaas oo intooda badani  ku saabsan yihiin hannaanka shidaal baadhiseed ee uu wado, waxana khilaafyada ugu badani ka imanayaan bulshooyinka ku dhaqan deegaannada shidaal baadhista laga wado oo aan wax fikir ah ka haysanin hawlaha la wado, maadaama oo uu wasiirku keligii tuurka ku qaatay arrimihii u baahnaa wacyigelinta iyo fahamsiinta bulshada hawlaha qaran ee la wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here