Guddidii Sicir Bararka Ee Madaxweyne Silaanyo Magacabay Oo Meel Ay Mareen La’layahey Iyo Madaxtooyada Somaliland Oo Baafineysa.

0
579

Tan Iyo Maalintii Uu Madaxweynaha Somaliland Magacaabey Guddida Sicir Barar Ayaan La Hayn Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigeen, Taas Oo Shacabka Somaliland Saluugsan Yihiin Amusnaantooda

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Dayr Oo Warbaahintu Wax Ka Waydiidey Arintan Ayaa Tilmaamey In Guddidu Hawshooda Wataan Waxaanu Ku Doodey In Laga Warsugo Qaabka Ay Wax UwadaanAfhayeenka Dayr Ayaa Yidhi”Sicir Bararku Waa Aafo Qaran Oo Umada Somaliland Guud Ahaanba Dhibaato Ku Hayso Mid Yimi Dagan Iyo Mid Magaalo Daganba, Gudidii Hawlahoodii Si Fiican Ayay Uwadaan Wax Maalin Iyo Laba Iyo Bil Lagu Dhamaynkaro Maaha Waa Hawl Ubaahan In Buslahada Somaliland Iyo Dawladuba Ka Qayb Qaatan Markaa Hawshaasi Meel Fiican Ayay Maraysaa”Ayuu Yidhi Afhayeen Dayr Oo Warbaahinta La Hadley.

Shacbiga Somalilad Ayaa Naafaysay Sicir Barar Xoogan Oo Saameyn Ku Yeeshay Dabaqada Hoose Ee Dalka, Kaas Oo Madaxweyne Silaanyo Horaantii Bishii Aan Kasoo Gudubney Uu Go’aamo Kusoo Rogay Isla Markaana Magacaabey Guddida Sicir Bararka Ilaa Hadan Lama Arko Wax Talaabo Oo Ay Qaadeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xigaasho”Wargeyska Sahan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoryaalenews2@gmail.comlacag s

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here