Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Ku Dhawaaqdey Xukunka Ilmo Yar Oo Mudo Dheer Lagu Muransanaa Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ka Hadley

0
669

Hoolka Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta lagaga dhawaaqey kiiska dacwad u dhaxaysay sadex Qoys.

Kiiska dacwadan oo ay gacanta ku haysay Maxkamada gobolka Laascaanood ayaa waxa go,aanka kama dambaysta soo saarey gudoomiyaha maxkamada sare waxaana isku haystey ilmahan yar oo da.diisu tahay 12 sano jir ayaa waxa gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali uu sheegay in baadhis dheer oo lagu sameeyey ilmahan yar ka dib markii laga qaaday Dhiiga Jinsiga ee loo yaqaan DNA ayna ka taliyeen dhakhaatiirta takhasuska u leh in uu ilmahaasi la dhiig yahay Hooyo Muuna C/kariin Maxamed oo ka soo jeeda Qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya.

Halka ay dacwada ilmahan yar kaga guulaysatey Hooyo Muuna Laba nin oo kale oo ku kala haystey kalana ahaa Xasan Xirsi Cilmi iyo Maxamed Aadan Umal. iyada oo ay xusid mudan tahay in aanu goobta joogin Aabaha dhalay Ilmahan yar ee la isku haystay balse ay hooyadii goobta ku sugnayd ayna isku dhiig noqon waayeen Labada Nin ee kale ee ku doodaayay in ay iyagu dhaleen ilmahan iyo xaasaskooda oo goobta joogey.

Hooyo Muuna oo loo xukumay Ilmahan yar oo mudo dheer la isku haystay ayaa waxa ay umahad celisay Maxkamadaha iyo garsoorka dalka iyo qaabka ay u qaadeen Dacwada.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa waxa uu sheegay in kiiska noocan ahi aanu ahayn markii ugu horeysay ee uu soo maray Maxkamada balse ay hore uga garnaqeen dacwado kuwan oo kale ah.

 

 

Xigaasho”Wargeyska Sahan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoryaalenews2@gmail.commax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here