Xukumada Somaliland Oo Sheegtay In Beesha Caalamka Walaac Ka Muujisey Dibu Dhaca Ku Yimi Doorashooyinkii Madaxtinimo Ee Somaliland.

0
614

Hargeysa (QoryaaleNews) Wasiirka Ku Xigenka Qasriga Madaxtooyada Somaliland Axmed Xaaji Cabdi Ayaa Warbixiyay Wafti Ka Tirsan Xukumada Oo Shir Kala Duwan Oo Kaga Qayb Galay Dalka Kiiniya, Isagoo Tilmaamey In Ay Shirarkaasi la Xidhiidheen Dhaqalaaha, Nabadgelyada Iyo Abaaraha

Axmed Xaaji Cabdi Oo Arrimhaasi Faahfaahinaaya Ayaa Yidhi”Shirarkaasi Waxay Ku Sahabsanayeen Arrimaha Siyaasada, Mashruuca Horumarinta, Arrimaha Abaaraha Iyo Nabad Gelyada Intaas Oo Dhanba Way ka Koobnaayeen Doorashooyinka Ayaa Mid Ahaa Arimaha Laga Wada Hadley, Maalintii Ugu Horeysay Ee Aanu Tagney Waxaanu Galney Shirkii Mihiimka Ahaa Runtii Wuxuu Ahaa Shir Aad Iyo Aad U Balaadhan Waxaa Kasoo Qayb Galeen Safiiro Badan Oo Runti Ah Daneeyayaasha Inala Dawaaga Arrimaha Dorashooyinka Iyo Horumarintaba Waxaa Kow Ka Ahaa Safiirka Denmark Ee Keniya Ufadhiga Oo Iyadu Shirkaas Lagu Qabtay Safaradooda Waxaa Sidoo Kale Joogay Ku Xigeenka Safiirka Somaliya Iyo Somaliland Ujooga Dalka Maraykanka Magaalada Nayroobi Wadama EU Waxaa Ka Socdey Wakiil Runtii Arrimaha Ugu Waawaynaa Waxaa ugu Horeysay Arrimaha Doorashooyinka”Ayuu Yidhi Wasiirka Ku Xigenka Qasriga Madaxtooyada Somaliland

Wasiirka Ku Xigenka Qasriga Madaxtooyada Somaliland Axmed Xaaji Cabdi Ayaa Intaa Ku Daray”Sidaad Ku Warqabtaan Wadamada Inaga Caawiya Doorashooyinka Ama Deeqaha Caalamiga Ah Had Iyo Jeer Waxay Daneeyaan Qabsoomida Dorashooyinka Markaa Waxay Walaac Ma Muujiyeen Dibu Dhaca Ku Yimi Dorashooyinkii Hore Ee Dalka.

Qoryaalenews2@gmail.comw axmed xashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here