Kulan Lagu Kala Kacay Oo Ex Madaxweye Daahir Riyaale La Qaatay Qoorweynta SAMAROON Iyo Olole Siyaasadeed Oo Ka Curtay Boorama

0
608

Daahir Riyaale Iyo Xulufadiisii Hore Oo Mooro Siyaasadeed Ka Bilaabay Gobolka AWDAL

Doodii Kala Qaybisay Madaxda Dhaqanka Gudabiirsi, Qorshihii Riyaale Ee Fashilka Noqdey Iyo Damacii Dacarta Leefay Ee Nusdambeedka WADDANI

Hargeysa* (Qoryaalenews)Kulamo Taxan Hargeysa Ilaa boorama ayaa lagu nashqadeeyey shax lagu dhaqaajinayo siyaasada gobolada galbeedka Somaliland kuwaas oo ay iska kaashanayaan madaxweynihii hore ee dalka muddane daahir riyaale kaahin iyo xubno kale oo ay xulufo siyaasadeed ahaayeen Cahdigii xukuumadiisa iyo xisbiga UDUD kuwaas oo wadda qorshe isbahaysi oo lagu kala qaybinayo bulshada gobolada galbeedka Somaliland. Ex Madaxweyne riyaale ayaa bilaabay kulamo joog hoose ku socda oo ula yeelanayo madax- dhaqameedka   SAMAROON isla markaana uu ku wacdiyayo inay la jaanqaadaan siyaasad lagu abaal celinayo xulufadii ridey  xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa taas oo loogu yeedhi jiray dhab libaax balse aan kororsiimo siyaasadeed siinin. Ilo xogagaala oo dhaq-dhaqaaqooda diiradda ku haya ayaa wargeyska SAHAN usheegay in laysugu gabal dhacsadey sidii beelaha SAMAROON ucelin lahaayeen wax uu ugu yeedhay abaal gal xukuumadiisa taageero loo muujiyey balse qorsha riyaale iyo xulafadiisii hore ayaan farxad galin qoorweyntii beelaha gudabiirsi ee madasha isugu yimi waxaanay ka xadhko xidheen qorshe daahir riyaale kula saftay siyaasiyiin ay wakhti isla jaanqaadi jireen, riyaale ayaa ku xod-xotay inay muujiyaan taageerada lagu tuhmayo isla markaana ay raacaan xisbiga WADDANI iyo Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbiga Muddane Muddane Maxamed AW Cabdi si loo mideeyo codka beelaha galbeedka AWDAL iyo Salal. Siyaasiyiin ay ka mid yihiin xulufadiisii hore oo ay ka mid ahaayeen siciid sulub ayaa ku tiraabay in taladda madaxweynihii hore riyaale yahay mid mideynaysa cudud siyaasadeed oo mar kale dhex marta labada ardaa ee kulanka isku jilba dhigtay waxaanuu sheegay in ay tahay mid taxane taariikhaysan oo waligood mideyn naysa isla mar ahaantaana loo baahan yahay in si wada jir ah looga gaashaanto si wada jir ahna Loo mideeyo cududa labada beelood. Salaadiinta iyo qoorweynta samaroon ee kulanka goob jooga ka ahaa yaa ku kala qaybsamay  riyaale iyo xulufadiisu badka soo dhigeen waxaaney isku maan dhaafeen in laga mid deysan yahay in meel kaliya la mariyo codka beelaha Samaroon isla mar ahaantaasna ay jiraan murashaxyo kale oo beelweyntu leedahay loona baahan yahay in si wada jir ah diirada loogu saaro danta iyo masiirka beesha si loo helo murashax matali kara codka beelweynta. Madaxweyne riyaali ayaa xubnihii goobta ka soo xaadiray ka codsadey in aan laga dareemin olalihiisa siyaasiga ah  oo ay ilaaliyaan isagoona ku walo maray in xisbiga WADDANI Uu Saarayo qasriga Madaxtooyada Isagoo Is Muujinaya Xiliga Ololaha Doorashada dalka. Dhanka kale waxaa saddexda dhinacba isku aamineen in la adkeeyo ajanda yaashii laga wadahadlay si aan xogtoodu dibada uga soo bixin taas oo haddii la ogaado ay ka hor iman karto jalaafooyin siyaasadeed oo lagu dabro damacooda siyaasiga ah waxaana laysla qaatay in aad loo ilaaliyo qorshayaashii laga wada hadlay. Talaabadan ayaa noqonaysa mid guluf siyaasadeed ku kicisa Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE.

Xigaasho :Wargeyska Sahan

 dahir riyaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here