Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Maayerka Degmada Qoryaale Oo Ka Dhacay Degmadaas Iyo Doodda Maayerka Degmadaas.

0
493

Banaanbax Xoogan oo lagaga soo horjeedo maayerka degmada qoryaale bile jaamac muuse ayaa ka dhacay degmadaasi, kuwaas oo shacabku ay isu soo baxyo ka dhigeen suuqyada magaalada qoryaale

Shacabkan mudaharaadka samiga ah dhigay ayaa soo banhigey dhaliilo ay shegeen inuu dul hoganaayo Maayerka Degmada Qoryaale Kuwaas xukumada Somaliland ka dalbadey iney xilka qaado maayerkaasi oo ay ku edeyeen fadhiidnimo iyo cabudhin dadweyne

“Hadaanu nahey odayaasha degmada qoryaale, waxaanu ka cabaneynaa dawlada hoose ee qoryaale oo shacabka kula kacdey cabudhin iyo xadhig, wasaarada arrimaha gudaha waxan ugu baaqeynaa iney xilka ka qaado maayerka degmada qoryaale,”Ayuu Yidhi Mid Ka Mid ah odayaasha degmada qoryaale

“Hadaanu nahey haweenka iyo hoyooyinka degmada qoryaale waxaanu dawlada Somaliland ee gadhwadeenka uu ka yahey madaxweyne silaanyo uga afka toonaynaa maayerka degmada qoryaale bile jaamac muuse oo shacabkii kula kacay xadhig iyo cabudhin”Ayay Tidhi Mid ka mid ah hoyooyinka oo warbaahinta la hadashey.

Geestisa maayerka degmada qoryaale bile jaamac muuse oo wargeyska SAHAN La Xidhiidhey Ayaa dhankiisa aad iskaga difaacey mudaharaadkan lagu diidan yahey ee ka dhacay degmada qoryaale ee uu ka arimo waxaanu yidhi isagoo ka jawaabaya”mudahaaradkan waxaa laga soo abaabuley magaalada burco waxaana soo abaabuley shan nin oo danbiilayaal ah oo degmada danbi ka galay oo aanu xidhxidhney balse waanu sii daynay isla markaana xisbiga wadani u adeega, anaga ka maamul ahaan degmada waanu ushaqeynaa oo cabudhin ma jirto”Ayuu yidhi gudoomiyaha degmada qoryaale bile jaamac muuse oo wargeyska SAHAN La hadleybile

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here