Xisbiga UCID Oo Dacwad U Gudbiyey Gudida Doorashooyinka Somaliland Iyo Nooca Ay Tahay Dacwadaasi

0
506

Masuulyiinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa ay dacwad u gudbiyeen gudida doorashooyinka Somaliland .     Dacwadan ayaa waxaa ay tahay in ay gudida doorashooyinku u gudbiyaan maxkamada Sare Lix Xildhibaan oo bedeli Doona Lix xildhibaan oo doorashadii golaha deeganka ugu soo baxay xisbigan oo dhawaan sheegay in ay ku biireen xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye

“Waxan kasoo baxney komiishanka qaranka Somaliland, sababta aanu taney waxaa weyee xildhibaano lix ah oo iclaamiyay iney ka baxen xisbiga ucid, kuwaas oo ku biirey xisbiga kulmiye ayaanu gayney xubnihii badalayaay komiishankana waxaanu ugu tagney iyagaa xaqa sharci u leh xubnaha la badalo iney magacyadooda baahiyaan waxaana ka sugaynaaa komiishanka liiska lixda xubnood ee la badalay in xubnihii badalay ugudbiyaan maxkamada si loo dhaariyo waxaana sidaa cadeynaaya xeer lambar 40, “Ayuu yidhi afyaheenka xisbiga ucid

“waxaanu daneyneynaa oo aanu jecelnahey in sharciyadu shaqayso, hadii sharcigu shaqeynaayo dee wax jirayaa ma jiraan waayo sharuucbaan dalka usameysaney, shuruucdaasna waxaa mihiim ah in lagu shaqeeyo “Ayuu Si Kooban Uyidhi Sarkaal Kale Oo Isna Xisbiga ucid uhadleyucid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here